Kulan noociisa ah kii ugu horeeyay ayaa dhex maray ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo xubno isugu jiray Siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad iyo qeybaha bulshada oo metalayay Beelaha Abgaal, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen arrimaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo xaaladda Gobolka Banaadir. Xubnaha kulankan dhinaca beesha u horkacayay […]
Falanqeeyaasha Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu la mid noqon karo Maxamed Siyaad barre marka loo eego xaga kalitalisnimada. Arrimaha lasoo qaadan karo waxaa ka mid ah: Madaxweyne Xassan Sheekh, iyadoo aysan dowladda laheyn awood badan ayuu bixiyaa amaro isaga oo mararka qaarna aan dhageysan lataliyaashiisa oo uu gaaro go’aan u gaar […]
Xoogag hubeysan oo lala xiriirinayo X/ Al Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee maanta weerar ku qaaday Xarunta Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Xoogagan, ayaa waxa uu ujeedkoodu ahaa inay xoog ku galaan Xafiiska Gudoomiyaha Degmada Wajeer Ahmed Abdullahi, hase ahaatee waxay iska caabin xoogan kala kulmeen Ciidanka Ilaalada Gudoomiyaha. Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya […]
Mas’uuliyiinta degmada Lambar50 ayaa u gudbay Ceeljaalle kadib markii ay ku hoydeen magaalada Marka, wadada isku xirto magaalada Marka iyo Ceeljaalle ayaa waxaa buuxdhaafiyey dadweyne sugaayey booqashada mas’uuliyiinta mataleysay walaalahooda degmada Raaxoole. Reer Ceeljaalle ayaa hadiyad uga dhigay mas’uuliyiintii soo booqatay deegaankooda Kitaabka Alle SWT, waxayna muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan dulmiga qaawan ee […]
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Xildhibaanada Barlamanka Jubba ay doorteen Gudoomiyaha Barlamanka Jubaland iyo labadiisa kuxigeen. Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa loo doortay Gudoomiyaha Barlamanka Jubba, kadib markii uu helay codadka ugu badan ee Barlamanka Juba. Sidoo kale waxaa goordhow socotay doorashada Labada Gudoomiye kuxigeen ee Barlamanka Jubba, hase ahaatee ma aysan noo suuragalin […]
Waxaa shaley galab gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose mas’uuliyiinta degmada Lambar50. Waxaa mas’uuliyiintan ku soo dhaweeyey maamulka degmada Marka oo ugu horeeyo gudoomiye Maxamed Cismaan Yariisow iyo waxgaradka magaalada Marka. Sawiro laga qaaday xiliga mas’uuliyiinta reer Lambar50 soo gelayeen magaalada Marka ayaa sidan ahaa: cowslafil.com
Sawirkaan wuxuu muujinayaa Safiirka Ethiopia u fadhiya Muqdisho Amb Wondimu oo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud u akhrinayo warqad wuxuu qaban lahaa lixda bil ee waqtigiisa u dhiman iyo Garguurte oo sida arday u qashuucsan. Ninka wax u akhrinayo waa Safiirka Ethiopia u jooga Muqdisho Wondimu sidaas darteed mala dhihi karaa waxaa loo meerinayaa wuxuu […]
Ku dhawaad 800 oo ah Qaxootiga Soomaalida ah ee Dalka Yemen ayaa soo gaaray Dekada Magaalada Boosaaso ee Gobolka Barri. Sawirro ayaa muujinaya, Haween, Caruur iyo Dad da’ ah oo kasoo dagaya Doon weyn oo kusoo xiratay Dekada. Hay’adaha Caafimaadka Puntland ayaa la tacaalaya Dadkaasi, oo kuwooda liida siineysa dawooyin. cowslafil.com
Wararka ka imaanaya deegaanka Shaag-gaduud ee ku yaalla xadka ay wadaagaan gobolka Galgaduud iyo deegaanka maamulka Soomaalida Itoobiya oo ay shalay ku dagaallameen dad reer guuraa ah ayaa sheegaya in uu xasilloon yahay maanta. Waxgaradka Shaag-gaduud iyo deegaannada dariska la ah ayaa ku hawlan sidii ay xakamayn lahaayeen dagaal-beeleedka. Dagaalka oo ka dhashay murun ku […]
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Beelweeynta Surre ayaa waxa ay sheegayaan in saaka aroornimadii howlgalo Milatari ay kasameeyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Beelweeynta Surre Deegaanadooda. Ciidamadan oo caan ka ah Gobolka Hiiraan iyo waliba Guud ahaan Soomaaliya isla markaana ah Ciidamo qaba tababaro aad u adag ayaa Saaka subaxnimadii waxeey ku dhaqaaqeen […]
Banaanbax uu soo abaabulay maamulka K.Galbeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Sh.Hoose. Banaanbaxan ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow, wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka K.Galbeed Xuseen Cali Xaaji, wasiir ku xigeenka Haweenka K.Galbeed Binti iyo masúuliyiin kale. Ujeedada banaanbaxan ayaa ahaa mid uu […]
Muqdisho, , 22 Abriil 2015 – Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska waxay soo dhoweynayaan dhisidda baarlamaan goboleedka Jubba. Waxaan ku baaqaynaa in wadaxaajood dheeraad ah la yeesho si loo xaqiijiyo in dhammaan qabiillada, beelaha iyo kooxaha laga tirada badanyahay ee […]
Wararka inaga soo gaaraya magaalada Kabxanleey ayaa sheegaya in uu ka jiro halkaa dhaqdhaqaaq ciidan iyo colaad laga soo abaabulayo Bariga Baladweyne. Maamulka gobolka Hiiraan iyo maskaxda ka danbeysa colaada lagu dhibaateyn degaanada iyo beelaha Kabxanleey iyo Deefoow ayaa shirar ay ku sheegeyn nabadeyn iyo maamul u sameynta gobolka ka waday magaalada Baladweyne bisha maarso […]
Soomaaliya oo uu mudo kudhow Sodon sano uu kasocday dagaalo sokeeye oo sababteedu ay ahayd dulmi iyo xaqiraad ayaa waxaa ilaa hadda u muuqataa in aan wali laga waantoobin isla markaana aad arkeeyso in Shacabka Soomaaliyeed ay kasii shaqeeynayaan sidii loosii dumin lahaa Dalka. Dad badan oo Soomaali ah ayaa dhintay Sidoo kale inbadan ayaa […]
Banaabaxyo ayaa haatan waxa ay ka soconayan Gudaha M/Marka ee xarunta G/Sh/Hoose kaasi oo ay soo abaabuleen ururada bulshada M/Marka. Banaabaxa ayaa waxaa dadku ay kaga soo horjeedaan talaabadii shalay Maamulka Gobolka banaadir ay ku bur buriyeen Calaamadii ay sameeyeen maamulka koofur galbeed ee kala xadeyneysay Gobolada Banaadir Iyo Sh/hoose. Maxamed Cusmaan Cali yariisow Gudoomiyaha […]
Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Direed Cabdiraxmaan Cali ayaa waxa uu ka hadlay Shirka Maamul u sameeynta Gobolada dhexe oo wali ka socda magaalada Cadaado kaa oo maamul loogu sameenayo dadka daga gobolada Mudug iyo Galgaduud. Afhayeenka ayaa dhaliilo xoogan waxa uu u jeediyay madaxda dowlada fedaraalka oo ku aadan qaabka uu u socdo shirka maamul […]
Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ay horey u sheegeen Masuuliyiin ka tirsan dowladda soomaaliya kuwaas oo ay dowladda soomaaliya uga hadashay arrimo ay ka mid yihiin dekedda berbera iyo arrimaha socdaalka iyo baasaboorada. Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ugu horeyn jawaab ka bixiyay hadal uu dhawaan […]
Halkaan ka daawo Siyaasi caan ah oo kashifay Sir badan oo ay ka mid tahay Dadkii ka dambeeyay Dilkii Saado Cali Warsame iyo Madax kale oo ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya. cowslafil.com
Axmed Cabdi Xaabsade oo dhawaan isku dhiibay Maamulka Puntland kadib markii u kasoo goostay Somaliland ayaa sheegay in Guri uu isaga leeyahay looga heysto Magaalada Muqdisho. Xaabsade ayaa Somaliland kasoo qabtay xilalka Wasiirka Warfaafinta iyo sidoo kale howlaha guud, hase ahaatee dhawaan ayuu ku dhawaaqay in uu ku biiray Puntland. Siyaasigaan oo hadda aan wax […]
Waxaa maalmaha soo socdo dib loo furayaa garoonka diyaaradaha degmada Lambar50 oo in muddo ah aan shaqeynin, wararka aan heleyno waxay sheegayaan in maanta garoonka lagu bilaabay dayactir kooban oo lagu hagaajinayo Kastamka iyo Runway-ga garoonka diyaaradaha. Sidoo kale waxaa maanta safar indho-indheyn ah ku tagay degmada Lambar50 wafdi uu horkacaayey Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga dowladda […]
ARAGTIDA AKHRISTEYAASHA