Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay dhisidda baarlamaan goboleedka Jubba

Muqdisho, , 22 Abriil 2015 – Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska waxay soo dhoweynayaan dhisidda baarlamaan goboleedka Jubba. Waxaan ku baaqaynaa in wadaxaajood dheeraad ah la yeesho si loo xaqiijiyo in dhammaan qabiillada, beelaha iyo kooxaha laga tirada badanyahay ee gobollada Jubbooyinka ka soo jeeda ay dareemaan inay qayb ku leeyihiin oo loogu jiro.

“Waxaan soo dhoweynaynaa horumarkan muhimka ah. Waxaan Maamulka Ku-Meelgaarka Jubba ugu baaqaynaa inuu la kaashado Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xalliyo wixii arrimo ah oo geeddi-socodka ka dhashay.

Dhismaha golaha baarlamaanka waa tallaabo wax ku ool ah oo muhim u ah hirgelinta Heshiiskii Addis Ababa ee bishii Agoosto 2013 iyo geeddi-socodka dhismaha dowlad-goboleedka Jubba, iyo dhismaha Soomaaliya oo Federaal ah. Xaqiijinta geeddi-socod caddaalad ku dhisan oo loo wada dhanyahay waxay gacan ka geysan doontaa dhisidda bulsho nabad ah oo caddaalad ku dhisan oo tusaale lagu daydo u noqon karta dalka intiisa kale.

Waxaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Ku-Meelgaarka Jubba ku ammaanaynaa qaybta ay ka qaateen dhisidda baarlamaan goboleedka.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageerno maamulka iyo baarlamaan goboleedka. Waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay wadatashi iyo dib-u-heshiisiin wax ku ool ah la yeeshaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso, iyagoo xaqiijinaya in la ilaaliyo danaha dhammaan beelaha. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi-socodka nabadda iyo dowlad-dhisidda dalka.”

Get updates from UNSOM/Halkan ka hel wararka UNSOM:
www.unsom.unmissions.org
@UNSomalia
facebook.com/UNSomalia
flickr.com/photos/unsom

cowslafil.com

Be the first to comment on "Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay dhisidda baarlamaan goboleedka Jubba"

Leave a comment

Your email address will not be published.