Kooxo Hubeysan Oo Weeraray Xarunta Degmada Wajeer Ee Dalka Kenya

Xoogag hubeysan oo lala xiriirinayo X/ Al Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee maanta weerar ku qaaday Xarunta Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Xoogagan, ayaa waxa uu ujeedkoodu ahaa inay xoog ku galaan Xafiiska Gudoomiyaha Degmada Wajeer Ahmed Abdullahi, hase ahaatee waxay iska caabin xoogan kala kulmeen Ciidanka Ilaalada Gudoomiyaha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya General Joseph Boinet oo shir jaraa’id qabtay, ayaa wuxuu sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen Saddex nin oo ka tirsan X/ Al Shabaab, sida uu yiri.

Taliyuhu waxa kaloo uu sheegay in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah saddexdaasi nin, isla-markaana ay Booliska Wajeer baadi-goobayan labadii kale ee la socotay, kuwaa oo sida uu sheegay baxsaday.
General Joseph Boinet, ayaa qeexay in Ciidanka Booliska ay horey u baadi-goobayen saddexdaasi nin, ka hor intii aynaan maanta geysan weerarka ka dhanka ah Xafiiska Gudoomiyaha Degmada, sida uu yiri.

General Joseph Boinet, ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi ay maleygayen weerar weyn oo ay ka geystan Degmadaasi, laakiin ay Ciidanka Boolisku ka hortaggeen.

Dhacdadan oo saamayn ku yeelatay dadka ku dhaqan Degmada Wajeer, ayaa waxaa hadalhaya Dhamaan bulshada deegaanka, kuwaa oo isla dhex maraaya in weerar culus lala damacsanaa Xarunta Maamulka, balse laga hortagay.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Kooxo Hubeysan Oo Weeraray Xarunta Degmada Wajeer Ee Dalka Kenya"

Leave a comment

Your email address will not be published.