Maxuu Xassan Sheekh ka bartay kaligii Taliye Siyaad Barre

xassan-Sheekh-300x194

Falanqeeyaasha Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu la mid noqon karo Maxamed Siyaad barre marka loo eego xaga kalitalisnimada.

Arrimaha lasoo qaadan karo waxaa ka mid ah:

Madaxweyne Xassan Sheekh, iyadoo aysan dowladda laheyn awood badan ayuu bixiyaa amaro isaga oo mararka qaarna aan dhageysan lataliyaashiisa oo uu gaaro go’aan u gaar ah.

Xassan Sheekh ayaa u goodiya Ciidamada marka uu ka qeybgalayo xuska munaasabadahooda sida in awooda dalka oo dhan ay gacanta ugu jirto.

Xildhibaan Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in awooda iyo talada dalka oo dhan ay isku koobeen waxa uu ugu yeeray Koox gaar ah oo la yiraahdo Damjadiid.

Su’aasha ugu badan ee la isweydiinayo ayaa waxa ay tahay, hadii uu Xassan Sheekh maamuli lahaa dowlad awood badan sida tii Siyaad barre maxuu sameyn lahaa.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Maxuu Xassan Sheekh ka bartay kaligii Taliye Siyaad Barre"

Leave a comment

Your email address will not be published.