Afhayeenka Odayaasha Beelaha Direed: Gobolada Dhexe waa In 3.5 wax loo qeybsadaa hadii kale…

Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Direed Cabdiraxmaan Cali ayaa waxa uu ka hadlay Shirka Maamul u sameeynta Gobolada dhexe oo wali ka socda magaalada Cadaado kaa oo maamul loogu sameenayo dadka daga gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Afhayeenka ayaa dhaliilo xoogan waxa uu u jeediyay madaxda dowlada fedaraalka oo ku aadan qaabka uu u socdo shirka maamul u sameeynta gobolada Dhexe.

“Waxaan dhihi lahaa in arintaas laga fiirsado oo Il gaar ah lagu eego beelaha gobolada Dhexe in goboladaas aysan isa siin karin qolo gaar ah waayo umad dhan baa degan,hadii nalaga taga sida ay wax usocon doonaan waan isla arki doonaa:Ayuu yiri Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Direed Mudane Cabdiraxmaan Cali.

Waa uu sii hadlay afhayeenka Odayaasha dhaqanka beelaha Direed waxa uu carabka ku dhuftay inay raali ka yihiin in wax lagu qeybsado 3.5 hadii kale aysan u cuntameynin wax kasta oo shirka kasoo baxa.
“3.5 waan ku qanacsanahaya hadii habkaan la maro arinta Cadaado sida ay wax ua socdaan anagu waan dhaliilsanahay, waxaan aqbalayno maahan, ayuu sii raaciyay Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Direed Cabdiraxmaan Cali.

Shirka ka dhacay magaalada Cadaado ayaa ah mid haatan ay aad uga cabanayaan bulshada Somaaliyeed ee Gobolada Dhexe ku nool kuwaa oo sheegay in beelo qaar ee dega deegaanada Goboladaas la isu dayayo in la duudsiiyo Xuquuqdooda.

cowslafil.com

1 Comment on "Afhayeenka Odayaasha Beelaha Direed: Gobolada Dhexe waa In 3.5 wax loo qeybsadaa hadii kale…"

  1. asc adeer kolkaad beelaha surre tilmaamaysaan yaan qowmiyada dir lagu galgalanin umadana yaan jahwareer lagu ridin, surre waa qabiil dirna waa qowmiyad.ma jiro afhayeen qomiyada direed ay wada sameesteen waxase jiri karo afhayeen beelaha surre.

Leave a comment

Your email address will not be published.