Map-Ka Siyaasada Somaliya Oo Isbadal Weyni Ku Yimid Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelanayso Somaliland Isbadalada Socda

Sidaynu kawada dharagsanahay xaalada guud ee Somaliya waxay maraysaa Isgoys weyn oo khatara oo aan kontroolkii kala hagi lahaana joogin waa siyaasiyiin rug cadaaya oo Trafik light unoqda fawdada somaliya imika kujirto oo ay ka faa idaysteen hay’ado shisheeye oo aan muraad weyn kalahayn masiirka umada somaliyeed ee Qarka kasii laadlaada ujeedadooduna ay tahay dhaqaale inay ku helaan dhibka somali haysta.

Villa soomaliya: wareer weyn oo siyaasadeed ayaa haysta madaxweyne xasan oo kuguuldaraystay inuu kafaa’idaysto bisaylka somaliya kajiray maalintii uu xukunka laaluushka kuhelay ee u madaxweynaha noqday shacabka oo filayey isbada muuqda may helin dagaalo sokeeye oo Villa somaliya laga abaabulayey ayaa ka bilaabmay gobolo badan oo muqdisho ku hareeraysan fashilkii kasoo raacay wasiiradii arimaha gudaha ee uu kuligood beeshiisa umagacaabayey iyo khibrad la’aanta raga uu isku hareeraysiiyey waxay ugaysteen dhaawac weyn iyo isagoo madax adayg kusameeyey salaadiintii iyo duubabkii somaliyeed ee lataliyey dhagaystana lataliyeyaal shisheeye oo wanjalay maantana ay marayso meel uunan waxba kaqaban karin oo isagii mooshinkii lagu ridi lahaa uu saaranyahay miiska baarlamaanka soomaaliya waxaana lama huraana in Xasan sheekh laga badalo madaxtinimada goor ay ahaataba inta ka horaysa Augost 2015 oo ay dhici doonto doorashada guud ee Hiigsiga cusub 2016ka oo UN ku abaabulayaa.

Xasan sheekh wuxuu ku guuldaraystay inuu joojiyo dagaalada ay sababeen maleeshiyo beeleedyada uu hubeeyey ee Ciidamo Qaran magacooda sita laakiin danaha qabiilkooda u adeegaya oo gumaad ka gaystay Hiiraan,Shabeelada dhexe iyo Shabeelada hoose.

Xasan sheekh wuxuu kuguul daraystay inuu maamulo si sax ah loosoo doorto uu kasameeyo degmooyinka iyo gobolada koonfurta soomaaliya ee udhexeeya Gaalkacyo ilaa kismaayo iyadoo uu taageeray dad dhulboob usocda oo uu heshiis gaara kula galay inay siyaasadiisa taageeraan deegaanada uu kumagacasbayna aanay kasoo jeedin deegaana kulahayn shacabkii degaanada daganaana uu colaad gashaday isagoo dulkeenay dad aan matalin duulaan qaawana ku ah xoolahooda iyo guryahooda &degankoda si ay dhulka u qabsadaan dekedahana canshuurta umada soo tacbaysa uga gurtaan.

Xasan sheekh wuxuu ku guuldaraystay inuu usameeyo maamul si nabada o sax ah oo aan sadbusi lahayn kusamaysma inuu ka hirgaliyo deegaanka beeshiisa sida gaarka uu ugu qoondeeyey ee Galmudug isagoo sitoosa ufara galinayey shacabkaas inaysa wax ay xor uyihiin samaystaan ujeedadana ay tahay in dib looga soo doorto isaga iyo ururkiisa Dammu jadiid oo lumay.

Xasan sheekh wuxuu bilaabay inuu abaabulo carqaladaynta Wadahadaladii somaliland iyo somaliya isagoo Taageeray si buuxdana umaalgaliyey madaxweynaha khaatumo oo bilawgii dagaal qabiil kuhayey isaga laftiisa waxna ka fashiliyey dawladiisa maantana dani hoosgaysay ayuu siyaasada xumada Cali khaliif kutaageeray isagoo siiyey Khaatumo $750,000 beesha Siyaasiyiinta beeshe Xasan sheekh na Si aan gabasho lahayn utaageeraan Khaatumo iyagoo wada gudiyo lagu abaabulayo inuu kacdoon siyaasadeed ku furmo Somaliland nabadeedana la burburiyo si badheedha ahna looga taageero muqdisho sul wabar.

Federalka gobolada:Waxaa muhikma in lafahmo sababta federaalka maanta socda ay ugasoo horjeesteen Xasan beeshiisa iyagoo Dawladnimadii dalka iyo xilalkii ugu muhiimsanaa haya waxaa lumaya jiritaankooda siyaasadeed ee madaxtinimada 2016ka waana lahubaa hadii sisax ah loo codeeyo inasn dib loosoo dooranaynin Xasan iyo kooxdiisa dalka Qaska kuhaysa ee diidan in cadaalad wax loo qaybsado.

PUNTLAND: Gaas iyo xukuumadiisii hore ee uu badalay fursad qaaliya ayey haysteen Sanadkii ugu horeeyey weyse lumiyeen sababtana waa Xasan sheekh oo siyaasadiisii laaluushka ahayd garoowe laga soo dhaweeyey iyo colaadii Qawmiyada Dir xasan kuhayey oo uu Hoosta kataageerayey si uu ukala fogeeyo Xasan beeshiisa iyo Qawmiyada Dir isagoo bilawgii taageerayey shacabka Dulman ee Qawmiyada kacdoonkoodii shabeelada hoose hadana isbadal siyaasadeed sameeyey oo xasan taageero siyaasadeed siiyey taasoo dhalisay cadho siyaasadeed oo ka abuurantay shacabka Puntland ee kasoo jeeda Qawmiyada una arkeen Gaas nin Qawmiyada Dagaal cad kula jira oo cadawgoodii Jubba kusoo duulay si badheedha dhaqaalahoodii puntland kutaageeraya imikana heshiis hoosaad siyaasadeed lagalay Xasan sheekh oo balanlaawe ah Gaas sidaasuu ku galbaday.

GALMUDUG: waxaa wax weyn ah inay maanta Runtu gaadhay in dhamaan ragii dhibka kuhayey deegaanada muqdisho ilaa jubada hoose iyo bay bakool iyo gedo maanta ay lama huraan waa cawsjiilaal tagtay oo ay dib ugu laabteen iyagoo fara madhan goboladii kululaa ee lamadagaanka xigay ee ay kasoo jeedeen waana muhiim in lafahmo inaysan baryo ku imaaninee ay kutimi xoog iyo muquunin ay kusameeyeen siyaasado ka waaweyn higaamiye kooxeedyadii biyaha shacabka kahor istaagi jiray ee sida hoise uqadhaaban jiray inay siyaasadaha soo eryey ee dilalka Qorshaysan kawada dalka iyo aargoosigii 18kii askari ee USA looga dilay muqdisho ragii gaystay wali lagama hadhin ee waa lagu raadjoogaa waxaana loo samaystay ciidamo dhan oo sigaara u ugaadhsada ragii kuluglahaa siyaasadii fashilisay New World Order ee Bush 90 maadkii waday.

Maantana aan lagaba waantoobin siyaasad xumadii lagu baaba’ay ee colaada iyo xaqdarada sadbursiga qaabka wax loo qaybiyey Galmudug oo 4 Qabiil oo waaweyn oo 5ta soomali kakoobantahay ay daganyihiin in Beesha madaxweynaha uu kadhashay ay qaatasn madaxweyne iyo gudomiye baarlamaan waa bilawgii burbur horleh oo kuyimaada Cadaado iyo colaadaga cusub ee kilinka 5aad iyo Punland ay ku qaadeen ee duulaanka Qaawan ee xuduuda muranka macno darada ah ee ay lagaleen dariskooda oo dhan waxay cadaynaysaa sida ay wali uraadinayaan xaqdarro iyo dulmigii dalka baabiiyey ee halkay maanta joogaan keenay una fahmi la’yihiin casharadii hore waxaan layaable inay sababta ay maamulka usamaysanayaan inay tahay ina colaado horleh abuuraan si ay ubadalaa siyaasada soo go’doomisay ee federaalka gobolaysiga ee 8da gobol ee wabiyadu maraan kadhigaysa inay minority kunoqdeen muqdishana ay caasimadii Soomaali oo dhan tahay iyaguna aysan heli karin siyaasadii sadbursiga iyo boobka ee dulmiga ku dhisnayd ee ay kusoo caanomaaleen 25tii sanadood ee lasoo dhaafay iyagoo dulminayey Qawmiyadii ugu badnayd geeska afrika iyaga xaqdarada kutaageeri jirtay iyagoo isu qaatay inay awoid aan lamuquunin karin yihiin laakiin si sahlan Qawmiyadu umuquuniday ugana soo masaafurisay dhulkii ay kudulmayeen Qawmiyada shacabkeeda wanaagsan ee tacab kunoolka ah ee biimaal waxaana muhiima inay ogaadaan in Geeska afrika Qawmiyadu diyaarisay ciidamadii difaaci lahaa weerar dambe oo kaga yimaada daalimiinta soomaaliya burburiyey in wadaad iyo wabiin loo midayaanyahay difaaca shacabka Qawmiyada ee kunool dhulka wabiyada juba iyo shabeele maraan hub fiicana loo qaybiyey dhamaan beeralayda oo dhan lana sameeyey ciidamo gaara oo ilasliya deegaanada beeraha kanakala yimid qawmiyada geeska afrika oo dhan gaar ahaa k/5aad ee itoobiya liyuu booliis army oo Hiiraan iyo Shabeelada hoose si rasmiya uga samatstay xarumo ay ka ilaaliyaan shacabka ku aftirsada Qawmiyada geeska afrika ugu badan ee Dulmiga shaadhka Dawlada xasan sheekh wata kusoo duuleen maantana niyad jab ladhex fadhiya meelihii ay kasoo duuleen VOA somali 26/06/15 barnaamijkii habeenimada waraysigii sadexda nin ee isku reerka ah lagu warsystay ayaa cadaynaya siyaasadii Wasiirkii Goodax iyo Xasan Halkay kudambaysay.

K/Galbeed:Shariif Xasan wuxuu hantiyey tageerasa shacabja dulman ee Sawladii ilaalinlahayd ay kusoo duushay maanta wuxuu rajo kaqabaa 89%inuu madaxweynaha 2016ka badala Xasan noqdo waana kutaageeraynaa inta uu Dulmiga isjafogaynayo oo uu Xaqa raacayo 6dii gibol ee waamo iyo gedo iyo sadexdii K/galbeed dhamaan shacabkii kunoolaa 100% waxay isju raaceen inuu Shariif u yahay madaxweyne wax qabad leh oo difaacay xaqooda lana taageero isaguna uu kafogaado Tuugada iyo Daalimiinta dalka burburiyey.

SOMALILAND:Waa muhim inay taagerto k/G si ay umuquniso kuwa diidan somaliland ee muqdisho jooga.

1 Comment on "Map-Ka Siyaasada Somaliya Oo Isbadal Weyni Ku Yimid Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelanayso Somaliland Isbadalada Socda"

  1. abdirisak isse ali | August 2, 2015 at 6:16 pm | Reply

    ok

Leave a comment

Your email address will not be published.