Somaliland oo si adag uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiirka dekedaha

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ay horey u sheegeen Masuuliyiin ka tirsan dowladda soomaaliya kuwaas oo ay dowladda soomaaliya uga hadashay arrimo ay ka mid yihiin dekedda berbera iyo arrimaha socdaalka iyo baasaboorada.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ugu horeyn jawaab ka bixiyay hadal uu dhawaan sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cusmaan Jawaari kaas oo uu nuxurkiisu ahaa inaanu Somaliland ku tageynin Basaboor balse ay tahay meel ka mid ah Soomaaliya,wuxuuna wasiirka oo hadda ku sugan magaalada burco uu yiri”guddoomiyha baarlamaanka soomaaliya waxa uu la mid yahay ajnabiga baasaboorrada ku yimaada Somaliland, isagoo aan baasaboor wadanina uusan ka soo degi karin magaalooyinka Somaliland,wuxuuna wasiirka intaasi ku sii daray oo uu yiri“Jawaari (Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya), waxa uu yiri”anigu baasaboor ku tegi mayo Hargeysa.’ Annaguna waxaan si kooban u leenahay ‘sharci-darro ku iman maysid Hargeysa iyo Somaliland midna,haddii aad dooneyso in aad timaadana soo qaado baasaboorka dalkaaga “ayy yiri mar kale wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland.

Dhinaca kale,wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu ka jwaabay hadalkii Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Mr. Nuur Faarax Xirsi oo waraysi uu siiyey telefishanka HCTV toddobaadkan, ku sheegay in maamulka Somaliland aanu heshiis kula galikarin shikado shisheeye dekedda magaalada berbera iyadoo aan ogolaansho laga helin dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hadalkaas wasiirka dekedaha soomaaliya ka jawaabayey ayaa waxa uu yiri“Wasiirka ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ee ka hadlay dekedda Berbera wuu garanayaa in halkan ay tahay Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale wuu garanayaa farqiga iyo dayrka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, wuuna garanayaa in dekedaha Berbera, Laas-qoray, Saylac iyo Lughaya aanay ka mid ahayn dekedaha loo dirtay ee Soomaaliya, waxaanan leeyahay ha ku eekaado shaqada loo dirtay oo qura,” ayuu yirii Wasiir Cukuse.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Somaliland oo si adag uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiirka dekedaha"

Leave a comment

Your email address will not be published.