Nickolas Key iyo Beesha Abgaal oo heshiis kala saxiixday, Sawirro

Kulan noociisa ah kii ugu horeeyay ayaa dhex maray ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo xubno isugu jiray Siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad iyo qeybaha bulshada oo metalayay Beelaha Abgaal, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen arrimaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo xaaladda Gobolka Banaadir.
Xubnaha kulankan dhinaca beesha u horkacayay waxaa ka mid ahaa:

Laba ka mida ra’iisal wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxayna labada dhinac ka doodeen arrimaha kala ah:

1- Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe

2- Maqaamka Caasimadda Muqdish

001

Labadan arrimood ayaa muran badan ka taagnaa iyadoo siyaasiyiinta qaarkood ay qabaan in la isku daro saddexda Gobol oo hal maamul ay yeeshaan. Kulanka oo la sheegay inay dalbatay beesha ayaa wararku sheegayaan in sidoo kale looga hadlay dardar gelinta maamulka Hiiran iyo Sh/dhexe iyo qaabka awood qeybsiga beelaha wada dega goboladaasi.

Ergeyga Q/Midoobay oo hadda noqday mas’uulka ugu sareeya ee ka talo bixiya qaabka federaalka, beelaha Soomaaliyeedna u dacwoodaan ayaa talo ahaan ku soo jeediyay in la is raaciyo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo maamul wada dhistaan, isla markaana Gobolka Banaadir uu yeesho maamul gaar ah iyo maqaam dastuurka lagu qoro.

Q/Midoobay ayaa bixisa kharashka dhismaha maamul goboleedyada, waxaana xubno ka qeyb galay shirkaasi ay Badweyn.com u sheegeen inay taageero fiican ka heleen Nicholas Kay oo ay bilaabi doonaan abaabulka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo fadhi ay ka dhigan doonaan Jowhar.

nich_key_abgaal

cowslafil.com

1 Comment on "Nickolas Key iyo Beesha Abgaal oo heshiis kala saxiixday, Sawirro"

  1. eebboow gaalow xaan sameynaa, annuka waligiinba weydinla shaqeyn jirnaye xaad noo ogoshihiin eeboow nikoolaygeeyoow. caku kuwan goormay mowqifka somaliya fahmayaan.caqli yaraa

Leave a comment

Your email address will not be published.