Wararkii ugu danbeeyey ee Qasaarihii ka dhashay Dagaalka Deefow

Wararkii ugu danbeeyey ee Qasaarihii ka dhashay Dagaalka Deefow

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan iyo Muqdisho ayaa sheegaya in dhibaato fara badan oo dhimasho iyo dhaawac badan uu ka soo gaaray beesha Duulaanka ku ah Degaanada Deefow iyo Kabxanleey, halkaas oo ay ku fashilmeen qorshaha guracan ee la rabay in lagu xusuuqo shacabka degaanka Deefow, qorshahaas oo ay ka danbeeyeen Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Dowlada Hassan Culusow inta ku heybta ah.

xulufo_xusuuqa_hiiraan

Waxaanu helnay warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Beesha ka soo duushay Baladweyne oo ay galbinayaan hubkii iyo  ciidan ku sheega Gobolka oo hal beel ka soo jeeda, inay kala kulmeen dhimasho ilaa 40 qofood iyo dhaawac 150 ilaa 200 qofood.

Sababto loo xiray Garoonka Diyaaradaha ee Baladweyne ayaa aheyd in Beeshan dulmiga iyo duulaanka ku heysa beelaha Direed ee ku dhaqan Degaanada Gobolka Hiiraan, ay u isticmaaleyso hantidii, hubkii qaranka, cisbitaalada, Garoonka diyaaradaha Baladweyne mid u adeega Beesha Xawaadle oo lagu dal dalayo dhaawacooda wax looga qaban waayey isbitaalka Baladweyne.

Maalintii 15.july galinkii hore ilaa maalmihii xigay ayuu ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Baladweyne mid u xiran Beesha Xawaadle, looguna daad gureyn dhaawacooda Muqdisho, lana joojiyey dhamaan duulimaadyadii ka imaan laha Muqdisho. Wararka ina soo gaaraya oo laga soo xaqiijiyey in Dhaawaca beesha Xawaadle ee Gubay degaanka Deefow si xoog leh loo keeney isbitaalka Madiina ee Muqdisho, ka dib markii dhaawacooda uu ka tiro batay isbitaalka Baladweyne.

Beesha Xawaadle oo maalmahan ku faanaya inay gubeyn hoyga shacabka Deefow ayaa ah kuwa ka badin waayey inay hubka Dowlada ku garaacaan degaanka Deefow, markii ay ku gali waayeen dagaal fool ka fool ah, si xuna ay ugu jabeen, ayaa waxay sheeganayaan inay ku guuleysteen dagaal. Haddaba guusha ay sheeganayaan iyo natiijada qasaaraha dhankooda ayaa kala fog, halka 200 oo dhaawac ah, 40 geeri ah, iyo guri walba ee reer dulmi wada Xawaadle ay ama tacsi u taal, ama dhaawac.

Waxaa la hayaa cadeymo in ay Beesha Xawaadle u adeegsatay hubkii qarankii iyo sumadii ciidanka qaranka dagaalkii lagu gubay Deefow 15.july. Waxaa la hayaa warar maqal iyo muuqaal oo sheegay in ciidan badan ay ka baxeen Gobolka Hiiraan 14.july iyagoo la sheegay inay howlgalo ka sameynayaan degmada Maxaas, si ay u soo qabqabtaan dhalinyaro Al-shabaab ah. Taas waxaa xigay in habiinka saq dhexe ee 15.july, salaada Subax ka hor, la weeraray Deefow, laguna garaacay madaafiic iyo hubkii qaranka, ka dib markii ay fooda gelin kari waayeen Deefow, halkaas oo ay ku sugnaayeen dhalinyaro Difaacaya degaankooda, maatadooda, iyo shacabkooda.

Ciidanka iyo Hubka lagu garaacay Deefow oo ah ciidankii la sheegay inay ku socdaan Degmada Maxaas si ay u soo qabtaan Al-shabaab.

Dowlada Hassan Culusow ayaa noqotay mid dalkii dib ugu celisay halkii ay ka soo bilaabatay colaada iyo dulmiga kala fogeeyey Soomaali, colaadaas oo si toos ah u bilaabatay markii lagu xusuuqay hubkii dowlada walaalaha Jamhuuriyada Somaliland.

Maantana waxaa socoto tii mid la mid ah, ama ka daran, taasoo ah in shacabka Beelaha Direed ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan iyo Sh. Hoose lagu xusuuqayo hubkii iyo hantidii qaranka, iyadoo ay ku fiirsan Dowlada ku sheega Muqdisho Fadhida, AMISOM, iyo weliba hay’adaha xuquuqul insaanka oo aanan ka hadal ama wax ka qaban dadkii la xusuuqay, lagana bara kiciyey degaanadooda oo muddo ku dhow sannad ka maqan guryahooda Hiiraan (Kabxanleey, Madiina, iyo Deefow), iyo Sh. Hoose (No. 50, Marka iyo degaanada u dhaxeeya).

Dowlada Hassan Colusow oo la sugayey inay kasbato kalsoonida shacabka iyo caalamka intiisa kale, ayaa waxaa ayaan darro ah in fursadan qaaliga ah oo soo martay umaddii soomaaliyeed, la rabayna in looga faa’iideeyo, dalkiina looga saaro fowdada, ayey Dowladan dalkii dib ugu celisay halkii ay ka soo bilaabatay colaada kala fogeysay shacabka soomaaliyeed, taasi oo ah in lagu xusuuqo hubkii dowlada shacab iyo degaano soomaaliyeed oo aanan waxba galabsan.

Shacabka Beelaha Direed ee lagu hayey dhibaato, barakicin, xusuuq, dhulboob, iyo dagaalo sannadihii ugu danbeeyey ayaa u heyn wax kalsooni habayaraate dowlad ku sheega Hassan Culusow, diyaarna u ah inay iska difaacaan dulmiga lala soo doontay.

cowslafil.com

 

3 Comments on "Wararkii ugu danbeeyey ee Qasaarihii ka dhashay Dagaalka Deefow"

  1. wiil Habaryonis. Isaaq. | July 19, 2014 at 9:21 pm | Reply

    War Qoladiina Surre, Walalayaal,
    Ma waxaad dooneysaan in aad gobol walbo oo la idinka badanayahay ee Koofurta Somaliya aad waab ka dhisataan. oo aad qabiilo caloosheed ka dagaalantaan. Waxan aragnay in Majeertenya ama Puntaland aad ka dhisteen hal waab Towfiiq. Xubin iyo Xeeb iyo Galmudug dhexdood hal tuulo Bacadweyn, Gobolka Hiraan Xawadle dhexdiisa hal tuulo Deefow. Haddaba taasi ma suurtobeyso. Haddii aad dooneysaan in aad qabiilo gob ah oo dhul iyo magac leh noqotaan , waxa lama huraan ah in aad hal meel isgu timaadaan, oo dhinaca isku qabataan oo meel aad wadanka ka qabsataan. Haddii kale ilma adeeryaalow,
    haddii aad dooneysaan in aad hadda sida aad tihiin aad ahataan , magaca waa ceebeyseen , ee noo daaya ama aan noo sheega aan idiinka baxnee.

  2. magacaygu waa fadumo waxan joogaa bosaso | March 21, 2015 at 11:39 am | Reply

    hadii aan kadhibti fikir kayga waxaan oran lahaa halajoojiyo dagalka deefow waxaa tihiin dad muslimiina

  3. Your Comment Here.adbaan ooga xumahay dagaalka deefow maxaa yeelay waadad ladulminayo dadka halkaadagan.

Leave a comment

Your email address will not be published.