Amisom oo war kasoo saartay dhacdadii degmada Marka.

War kooban oo ay Boggooda Twitter-ka ku qoreen Taliska howgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayey ku sheegen inay eegayaan waxa kajira wararka ku saabsan dilka dad shacab ah oo ay ciidamada AMISOM kageysteen magaalada Marka.

“AMISOM waxay eegaysaa wararka laxariira dhacdada Marka.” sidaa waxaa lagu qoray Bogga twitter-ka ee Ciidamada AMISOM.

AMISOM waa markii labaad oo lagu eedeeyo inay dad shacab ah kudileen magaalada Marka ,balse dhacdadii koowaad ciidamada AMISOM waa ay beeniyeen in dadka ay dileen ay ahaayeen shacab.

Waxay kusheegeen warsaxaafadeed bishii hore ay soo saareen in eedaha laxariira dilka dadka shacabka ah ay tahay mid aan habayaraatee waxba aysan kajirin oo ay howlgalkaasi kudileen koox Al-shabab katirsan.

cowslafil.com

1 Comment on "Amisom oo war kasoo saartay dhacdadii degmada Marka."

  1. dowlada soomaalia waxaa cadaatay in halbeel ay masuul ka tahay,maxa yeelay shacabkan marna shaarka ciidamada lagu leynaayo,marna Amisom maxaa wax looga qaban waayey ilaa iyo inta ay jirtay dowlada xasan sheekh,hadaanay ahayn arin dowladan dhinac ka wado,shicibkan la xasuuqaayo waxaa masuul ka ah xasan sheekh oo kaliya, goorey ahaataba waa dakana meel kuu taalo aar goosigeeda.

Leave a comment

Your email address will not be published.