Qoowmiyada Dirka oo uu kusocdo Olole lagu duudsiinaayo Xuquuqdooda.

Soomaaliya oo uu mudo kudhow Sodon sano uu kasocday dagaalo sokeeye oo sababteedu ay ahayd dulmi iyo xaqiraad ayaa waxaa ilaa hadda u muuqataa in aan wali laga waantoobin isla markaana aad arkeeyso in Shacabka Soomaaliyeed ay kasii shaqeeynayaan sidii loosii dumin lahaa Dalka.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa dhintay Sidoo kale inbadan ayaa barakacay waxaa waliba usii dheer kuwo badan oo naafo ah isla markaana aan maareeyn karin noloshooda, Hadaba meeshiilooga baahnaa in ay Soomaalidu ka waantoowdo Gariirada ay kaliftay Cadaalad darada hadaaba laga dhigay mid biloow ah.

Waxaa muuqata Colaada iyo hagardaamada lagu hayo Reer SH Isaxaaq oo qori caaradiisa ku helay xuriyadooda iyo Calankooda sharafta badan waxaa mar walba la isku dayaa sidii looga burburin lahaa loona aasi lahaa Calankooda ku dhashay dhiiga Halyeeyadooda,

Waxaan lasoconaa dhibaatada qabsatay Beelweeynta Biimaal iyo dagaaladii ay Dawlada Federaalka lagashay Beelweeyntan oo diiday in xoog lagu heeysto waxaana loo adeegsaday awoodii Qaranka taasoo uu amarkeeda lahaa Madaxweeynaha hada talada haye Xassan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa dagaalo badan lala galay Beelweeynta Surre ayagoo lala damacsanaa ilaa hadana la ololeeynayo in laga barakiciyo dhulkii Ilaah makaniyay, Waxeeyna ilaa hada dagaalo aan dhamaan la galeen Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta oo ay kaabayso Dawlada Sharafteeda iyo karaamadeeda luntay ee uu hogaamiyo Dhiigya cabka Xassan SH Maxamuud.

Qoowmiyada Dirka oo dagaano balaaran kuleh Gobolada Jubada dhexe, Jubada hoose iyo Gado waxaa loo diiday Xuquuqdii ay lahaayeen waxaana si nacasnimo ah u cantoobsaday Maamulka Xaaraanta ku dhisan ee Axmed Madoobaha kasoo jeeda Kilinka Shanaad,

Marka aan qooraansado dhanka Koonfur Galbeed waxaan dhihi karaa dhulkii ay daganaayeen Soomaalida Xalaasha ah Sababtoo ah waxaad dareemeeysaa in ay yihiin Digil iyo Mirifle dadka kaliya ee aqoon Diin iyo Maadiba u sugnaatay aadna dareemeeyso in ay ka horeeyaan Soomaalida kale,

Digil iyo Mirifle waxba ma dulmin marka laga reebo ayaga laftooda oo ogolaaday in lagu dulmo ama laga qaato Xuquuqdooda ay ku lahaayeen Bay,Bakool Gedo, in ay ku dulmanaadaan Dhulkoodana waxaa Sabab u ah iyagoo ah Dad Xeeriya Soomaalinimada iyo waliba Dad dhanka diinta ku wanaagsan Dulmi walba oo na gaarayna waxaan ku iloobi karnaa dulmiga ay dulman yihiin Digil iyo Mirifle.

Waqtigan Xaadirka waxaa socda boob dhanka Gobolada dhexe oo la damacsan yahay in xaquudooda lagu duudsiiyo Qoowmiyada Dirka qaasatan Beelweeynta Surre iyadoo ay muuqato in ay Dawlada Federaalku hogaamineeyso shirka isla markaana ay ka muuqato dareen Dir Nacayb,

Hadaba Maxaala gdboon Qoowmiyada Dirka

1-Qowmiyada Dirka waa ineey gacmaha is qabsadaan oo ay u midoobaan Cadawgooda Koowaad oo ah Dadka ay moodaan in ay dhalasho Soomaalinimo ka dhaxeeyso.

2-In ay Qoowmida Dirka awoodeeda ururiso una diyaar garoowdo Jihaad dhan walba ah oo lala galo Cadwga ku hareereeysan.

3-Inta wax kala tabaneeysa ee ka tirsan Qoowmida Dirka in la dhex dhexaadiyo isla markaana ay sameeyaan isu tanaasul iyo Niyad Furnaan ay isaga kaashadaan Cadawga Diirka Soomaaliga leh.

Qore:Maxamed C/samad C/llaahi

cowslafil.com

Be the first to comment on "Qoowmiyada Dirka oo uu kusocdo Olole lagu duudsiinaayo Xuquuqdooda."

Leave a comment

Your email address will not be published.