Maxaa Ka Cusub Howlgelinta Garoonka Diyaaradaha Degmada Lambar50 (Sawiro)

Waxaa maalmaha soo socdo dib loo furayaa garoonka diyaaradaha degmada Lambar50 oo in muddo ah aan shaqeynin, wararka aan heleyno waxay sheegayaan in maanta garoonka lagu bilaabay dayactir kooban oo lagu hagaajinayo Kastamka iyo Runway-ga garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale waxaa maanta safar indho-indheyn ah ku tagay degmada Lambar50 wafdi uu horkacaayey Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga dowladda Federalka Cabdalle Xuseen Cali.

Shirkad uu madax ka yahay ganacsade deegaanka u dhashay oo ay walaalo yihiin Cabdalle Xuseen Cali isla markaasina lagu magacaabo Yacquub Xuseen Cali ayay wararka sheegayaan in howlaha garoonka loo dhiibayo. Sidoo kale shirkadda garoonka loo dhiibayo waxaa la xaqiijiyey inay ku jiraan xildhibaano deegaanka ka soo jeedo oo laga xusi karo Prof. Cabdiraxmaan Aadam Ibbi.

Booqasho uu wasiirka Beeraha K/Galbeed uu ku tagay halkaasi waxaa ku soo wareejiyey garoonka KM50 mas’uuliyiinta degmada oo ay ugu horeeyaan Cabdow Abuukar iyo Cabdullaahi Waafow.

garoonka_no50_4

garoonka_no50_3

garoonka_no50_2

garoonka_no50_1

garoonka_no50_0

garoonka_no50

cowslafil.com

Be the first to comment on "Maxaa Ka Cusub Howlgelinta Garoonka Diyaaradaha Degmada Lambar50 (Sawiro)"

Leave a comment

Your email address will not be published.