Daawo Sawirada banaanbax maanta ka dhacay Markacadey

Banaanbax uu soo abaabulay maamulka K.Galbeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Sh.Hoose.
Banaanbaxan ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow, wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka K.Galbeed Xuseen Cali Xaaji, wasiir ku xigeenka Haweenka K.Galbeed Binti iyo masúuliyiin kale.

Ujeedada banaanbaxan ayaa ahaa mid uu maamul goboleedka K.Galbeed uga soo horjeedo talaabo ay ciidamada ammaanka ee dowladda soomaliya ay ka qaadeen wasiirka ganacsiga ee K.Galbeed Cabdullahi Sh.Xasan, taas oo salka ku heysa khilaaf dhinaca xuduuda ah oo u dhexeeya labada maamul ee K.Galbeed iyo kan dowladda dhexe ee soomaliya.

marka_bananbax_01

marka_bananbax_02

marka_bananbax_03

marka_bananbax_04

marka_bananbax_05

marka_bananbax_06

marka_bananbax_07

marka_bananbax_08

marka_bananbax_09

cowslafil.com

Be the first to comment on "Daawo Sawirada banaanbax maanta ka dhacay Markacadey"

Leave a comment

Your email address will not be published.