Guddoomiyaha Degmada Xeraale Bashiir Daahir Yuusuf. oo sheegay in degaanka Shaag-gaduud oo xasilloon maanta

Wararka ka imaanaya deegaanka Shaag-gaduud ee ku yaalla xadka ay wadaagaan gobolka Galgaduud iyo deegaanka maamulka Soomaalida Itoobiya oo ay shalay ku dagaallameen dad reer guuraa ah ayaa sheegaya in uu xasilloon yahay maanta.

Waxgaradka Shaag-gaduud iyo deegaannada dariska la ah ayaa ku hawlan sidii ay xakamayn lahaayeen dagaal-beeleedka.

Dagaalka oo ka dhashay murun ku saabsan wadaagga daaqsinta deegaanka ayaa waxaa ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay mid kale, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, Bashiir Daahir Yuusuf.

Guddoomiyaha ugu baaqay dhinacyada dagallaamay inay u hoggaansamaan dadaalka lagu nabadaynayo.

cowslafil.com

2 Comments on "Guddoomiyaha Degmada Xeraale Bashiir Daahir Yuusuf. oo sheegay in degaanka Shaag-gaduud oo xasilloon maanta"

  1. China wuxuu Ku maahmaahay hadal yar iyo hawl badan marka surre ayaad mahayoo hadal mooye

  2. Surre waxaa loo baahanyahay in ay qoraal iyo dokumenti hara laga hayo. Soo uruuriya xogta odayada, aqoonyahannada, mashaaikhda iyo hal doorka surre. kaddibna mid mid taariikhdooda u soo geliya internetka. Arrintaa waxay noqonaysa tixraac abadi ah. Xitaa gaalada iyo adduunka kale iyo soomaalida kale markay maqlaan surre. Internetka ayey galayaan, marka waa in xog ay nooga buuxdaa internetka. hala xariiro caruurta iyo qaraabada dadkaas kuwa dhintay iyo kuwa noolba .

    Matalan Marxuum maxamuud cabdi nuur taariikdiisi , sawirkiisa, Cabdulaahi insaaniya, Marxuum maxamuud mursal cali, Marxuum sheikh ibraahim suuleey, marxuum sheikh muxumad yaroow, marxuum dr cabdiraxmaan cilmi, iyo iyo..
    Kuwa hadda nool sida Aqoonyahanda reer Xaaji cabdulaahi fiiqow, reer cabdi kaatun,reer maxamuud mursal ( Air Bus pilot Cabdulaahi), Xaaji Barre, Cabdulaahi daahir, Marxuum Dr Indhabuur , Dr xasan Gibin ( xasan axmaar), ma tiring karo mana ada xasuusto. arrinta waa tusaale uun , qofna qofka kale kama fadilayo.

    Waxaa jiro dakhaatiir badan , injineero, haddii la baaro waxaa soo baxayso in lixdameeyada aan wadanka aqoonyahanno iyo culama ka ahayn. waxaas ha la bublish gareeyo. Sarakiil sar sare sida Cabdulaziz, marxuum duufaan iyo…

Leave a comment

Your email address will not be published.