Dibad baxyo ka Socda Magaalada Marka

Banaabaxyo ayaa haatan waxa ay ka soconayan Gudaha M/Marka ee xarunta G/Sh/Hoose kaasi oo ay soo abaabuleen ururada bulshada M/Marka.

Banaabaxa ayaa waxaa dadku ay kaga soo horjeedaan talaabadii shalay Maamulka Gobolka banaadir ay ku bur buriyeen Calaamadii ay sameeyeen maamulka koofur galbeed ee kala xadeyneysay Gobolada Banaadir Iyo Sh/hoose.
Maxamed Cusmaan Cali yariisow Gudoomiyaha degmda Marka ayaanu la xiriirnay waxaana uu inoo sheegay in
bulshadu ay ka caroodeen falkii ay sameeyeen M/Gobolka banaadir.

Talaabadan waxa hore uga hadlay Wasiirka waraabka beeraha Maamulka K.G.S. Waxaana uu ku tilmaamay in laga soo horjeedo umad aayahoodii ka tashatay lana sharaf dilay Masuul Maamulkooda ka tirsan jawab deg deg ahna ay ka bixin doonaan sida uu tilmaamay.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dibad baxyo ka Socda Magaalada Marka"

Leave a comment

Your email address will not be published.