Beesha Xawaadle oo maanta markale u adeegsatay hubkii Qaranka in ay

Beesha Xawaadle oo maanta markale u adeegsatay hubkii Qaranka in ay
ku layaan dadka Degaanka Deefow

Saakay aroortii ayaa waxaa lagu garaacay madaafiicda P10’ka oo aanan loo aabe yeelin
shacab, maato, caruurta ku dhaqan magaalada Deefow.

Beesha Xawaadle oo markii ay dagaalka fool ka foolka wax ku qaadi waayeen ayaa markale si qaldan u isticmaalay hubkii qaranka, halkaas oo ay ugu tala galeen in ay ku laayaan dadka maatada ee degen magaalada gudaheeda.

Dadka degaanka oo ka foojignaa arrimaha dhaqan xumada dagaal ee lagu leynayo maatada, laguna gubayo degaanada ayaa horey uga saaray shacabka intiisa badan magaalada, si xoog lehna isaga caabiyey beeshan duulaanka ku ah degaanka Deefow oo adeegsanaya hubkii qaranka, iyo weliba soo qalday beesha Makane ee jareerweyne oo qeyb ka ah dagaalkan lagu dulmin beesha Surre.

Dowlada soomaaliye iyo Maamulka Gobolka ayaa iyagana ku fiirsan oo aanan ka hadlin hubka qaranka oo ay beelo gaar ah u adeegsan inay ku xasuuqaan degaano iyo dad soomaaliyeed.

Dagaalada lagu hayo beelaha Direed ee degen Hiiraan iyo Sh. Hoose ayaa waxay uga duwan yihiin dagaal beeleedyadii hore uga dhex dhici jiyar beelaha soomaaliyeed, in la adeegsanayo hubkii iyo hantidii caalamka ugu deeqay in lagu badbaadiyo shacab soomaaliyeed, halkaas oo ay beel gaar ah, markii ay danaheeda dhulboob dagaal fool ka fool ah aysan ugu meel marin, ayey u adeegsan hubka qaranka in ay ku gubaan, kuna qaxiyaan dadka Direed ee ku  dhaqan Sh. Hoose iyo Hiiraan.

Dadka degaanka Deefow oo si geesinimo leh uga difaacday degaanadooda duulaanka maanta, ayaa xeelad dagaal aaawadeed uga baxay degaanka Deefow maanta, markastana la fili karaa inay dagaal rogaal celis ah soo qaadan, si looga saari halkaa beelaha dulmiga iyo dhaqanxumo dagaal ka bilaabay Gobolka Hiiraan.

cowslafil.com

3 Comments on "Beesha Xawaadle oo maanta markale u adeegsatay hubkii Qaranka in ay"

  1. waa la yaab in xawaadle laga celceliyo dagaal lagu qaado surre, in kastoon ogahay in haddii namruud bin kancaan yimaadana aanay mooryaantii hawye ismoodka ahayd aanay xoog ku daganaaneyn dhul surre leeyahay…

    waxaa in lays weydiiyo mudan halkey jireen faqa muxumed Xeraale, Bay, Luuq, Mudug. Aaway ilma Qubeys, maxaa mooryaanta maryaha safarka ka furata loo siiyay chance ay xitaa ku hamiyaan dagaal ay Surre la galaan.

    Surre tasho oo wadajir u tashta, ileyn dawladi ma jirtee, aan idin bidhaamiyee mooryaanu mabda iyo diintoona malaha garasho iyo xishoodna iskaba daa, markaa waxoogay intaad kitaabada yara tiirisaan siday idin gubeen uguba oo dab qabadsiiyo deegaanada Bacawda, waayo dhaqankaa kaliya ayey fahmaan. marnaba hayska dhaadhicinina inaad dad caadiya oo islaam ah bil ramadaan jooga inaad la dagaalameysaan.

    dhan walboo laga eego lama sheegin dhul ilma surre leeyihiin oo xoog dagay, guusha idinkaa leh viva surre.
    wabilaahi towfiiq

  2. Wwww dad aya iska dhigteen bee war yahee dir xage o adunka dhul ku leeh somail we is taqanaa melaha kugala dhunsan dihin lkn xawdle wa dad la yaqano xamar ilaa hiraan hadi la dhaho yaa dago melaha sida gonida ah lo sheka hiraan waxa leh xawdle aya la dhahaa lkn waliga ma maqashay dir la dhahaa dhulkaas asa leh sxb wa les yaqana hadi nahay somail marka dir iyo waxii yar yarka ah o iska dayo meshee marti ku yihin ine iska dha dhiciyan ine le yihin sxb raadkoda aya gubnaa uma aba yelno

  3. Asc warkaas waa dayaacad warkaane waa beyn deefna cida leh waa la yaqaanaaa e ha isdajiyaan hdii xita la qaato dabajeec intaasaa ku filan mrka hawadle cudadkiisa lma celin karee hsleeska dhaafo dacaayada

Leave a comment

Your email address will not be published.