Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow.

Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow.

Waxaa ina soo gaaray qoraal ay diyaariyeen wariyayaasha furinta dagaalka ee Kabxanleey iyo Deefoow, qoraalkan oo u qornaa sidan:

? Muxuu ku bilowday dagaalkan ugu danbeeyey ee dhacay 21.maarso.2015
? Yaa bilaabay dagaalka
? Waa maxay dacaayadaha raqiiska ah ee lagu dagaal geliyo dhalinta lagu soo qalday dagaalka Kabxanley & Deefow

Dagaalkii ugu danbeeyey ayaa ku bilowday ka dib markii ay maleeshiyada xawaadle ay dagaal daan daansi ah ku soo qaadeen xarunta ciidanka beelaha Surre oo ku taalay meel aanan saa uga fogeyn Deefow.

Dagaalkaas ay labo jeer lagu soo qaaday ciidanka Surre ayaa dhacay wiig ka hor inta aysan ciidamada Surre soo weerarin Deefoow.

Beesha Xawaadle ayaa isticmaashay dacaayad raqiis ah oo been ah, halkaas oo ay ku sheegeen in ciidamada Surre ay dad reer guura ah Sac/xoolo kaga reebteen halka fadhiga u ah. Ciidamada Surre ayaa beeniyey arrintaa, sheegeyna in Beesha Xawaadle ay bilowday inay maleeshiyadooda sir doonka ay ka soo dhigaan xoolo dhaqato iyagoo rabo in ay ogaadaan xaalada ciidanka Surre, ama qorsheynaya inay soo qaadaan dagaal lagu soo dhuumaaleysan geele iyo xoolo dhaqato.

Beesha Xawaadle oo maalmahan danbe ay ku adkaatay inay ku hayaan wiilasha ay ku soo qaldeen dagaal dulmi ah, ayaa mar walba adeegsada dacaayado raqiis ah oo ay ku kicin ama ay ku adeegsan wiilasha laga soo uruuriyey baadiyaha, kuna dhamaaday dagaal gardara ah oo ay aaqiradooda iyo aduunkooda ku seegayaan.

Beesha Surre ayaa ku soo dhaqaaqday halka ay Xawaadle dagaalka ka soo abaabulayeen oo aheyd Deefow, salaada subax ka dib, sabtidii, 21.maarso.2015, xoogna looga saaray maleeshiyada Xawaadle dhamaan degaanada beelaha Surre oo kala ah Deefoow, Kabxanleey, Madiina, ilaa degaanka Bacaad oo u dhow bariga Baladweyne.

Waxaa dhacday dagaalo naf la caari iyo rogaal celis ah oo ay beesha Xawaadle dhowr jeer isugu dayeen inay dib u hantaan Kabxanleey iyo Deefoow iyagoo ku guul dareystay arrintaa, dhimasho iyo dhaawac kalena kala kulmay dagaaladii rogaal celiska ahaa.

Maadaama wiilasha ay soo qaldeen Beesha Xawaadle ay u badan yihiin wiilal laga keenay baadiyaha, ayaa maalmahan dacaayadaha raqiiska ah oo ay isticmaalaan raga iyo haweenka Xawaadle ee colaada hurin ayaa u badan in rag/dumar geel/xoolo la socday iyo geeliiba meel hebla lagu laayey.

Warkii ugu danbeeyey ee ina soo gaaray caawa ayaa sheegaya in dagaalo goos goos ah uu ka dhaceay xalay, khamiis 26.maarso.2015 degaanka Bacaad ee ah xuduuda Beelaha Surre iyo Xawaadle. Waxaa ina soo gaaraya in beesha Xawaadle ay markale ay fidinayaan dacaayad ah in ari badan oo ay xabadaha dhagaha ka jareen laga soo kaxeeyey furinta dagaalka.

Mar aan wax ka weydiinay ciidanka Surre ee furinta hore jooga arrintaa ayaa waxay inoo sheegeen in aysan iyaga si gaar ah u bar tilmaamsaneyn xoolaha, balse waxa alaale wixii dhaqaaqa oo ka koreeya hal meter, kuna sugan furinta dagaalka in amar lagu siiyey in madaxa laga jaro, balse aysan waxba ka ogeyn arigan xabada dhaqaha looga jaray ee la sheegaya.

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in beesha Xawaadle maleeshiyo beeleedka ay u adeegsan dagaalka dulmiga iyo gardarada ah aysan niyad u heyn dagaal iyo inay ku dhintaan dagaal fowdo ah oo jahawareerkiisa uu batay.

Ciidamada xaq u dirirka degaanada Kabxanleey iyo Deefoow ayaa sheegay inaysan dhaceyn in mar danbe dad wax magarato ah oo dhibaateyn reer Kabxanleey iyo Deefoow ay ku hoydaan degaanada Surre.

Wixii ka soo kordha arrimaha Kabxanleey iyo Deefoow halkan kala soco.

cowslafil.com