Dagaal Culus oo Saaka Biloowday walina Socda iyo Beesha Bariga Baladweeyne Wax ka Dagta oo laga Saaray Deefoow.

Dagaal Culus oo saaka ka dhex qaraxay Beesha surre iyo Beesha Xawaadle ayaa si xoog leh u socda, dagaalkan oo bilowday maanta oo sabti ah, 21.marso.2015, salaadii subax ka dib.

Warar hor dhac oo aan heleeyno ayaa sheegaya in Beesha Xawaadle lagala wareegay gacan ku haynta Deefoow, dagaalkana weli uu socdo dib ayaan idiinkala soo socodsiin wixii qasaare ah oo ka dhashay dagaalka maanta.

Beesha Xawaadle oo dagaal iyo dulmi ku hayey beelaha Surre ee degen Kabxanleey iyo Deefow ayaa wiiga la soo dhaafay dagaal daan daansi ah ku qaaday ciidanka Kabxanleey iyo Deefow oo ku sugnaa meel aanan saa ugu fogeyn Deefow laguna jebiyey beesha Xawaadle labadii dagaal ay ku soo qaadaan ciidanka Surre.

Saaka aroortii salaadii subax ka dib ayey dhaqaaqeen ciidama xaq u dirirka beesha Surre kana saaraan degaanka Deefow beesha nabad diidka dulmiga ku bahowday ee Xawaadle oo ka soo duusha bariga Baladweyne.

Wixii warar oo ka soo kordha dagaalka ka socda Deefow iyo Kabxanley dib ayaan idiinkala soo socodsiin.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaal Culus oo Saaka Biloowday walina Socda iyo Beesha Bariga Baladweeyne Wax ka Dagta oo laga Saaray Deefoow."

Leave a comment

Your email address will not be published.