Nicholas Kay Oo Ku Dhawaaqay Hadal Dhabarjab Ku Ah Damaca Xasan Sheekh

Nicholas Kay Oo Ku Dhawaaqay Hadal Dhabarjab Ku Ah Damaca Xasan Sheekh

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in marka la gaaro August 2016 aan haba yaraatee waqtiga loo kordhin doono madaxweyne Xasan Sheekh.

Nicholas Kay ayaa intaa ku daray in bulshada caalamka aysan marna aqbalayn in Xasan Sheekh iyo dowladiisa waqti dheeraad ah loogu daro marka la gaaro August 2016.

Kay ayaa sheegay in inkastoo ay caqabado badan jiraan, howlo badana dowladda looga fadhiyo ay haddana wax badan qabtay.

Waxyaabaha laga doonayo in ay dhameystirto ayuu ku sheegay in ay ka mid tahay afti u qaadida dastuurka iyo dhisitaanka maamul goboleedyada.
Hadalka Nicholas Kay ayaa ah mid dhabarjab ku ah damaca Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis ay ku doonayaan in ay xilli kororsadaan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Nicholas Kay Oo Ku Dhawaaqay Hadal Dhabarjab Ku Ah Damaca Xasan Sheekh"

Leave a comment

Your email address will not be published.