Baladweyne Oo Laga Baqdin Qabo In Dagaalku Uu Ku Fido

Baladweyne Oo Laga Baqdin Qabo In Dagaalku Uu Ku Fido

Wararka hada na soo gaaraya ayaa sheegaya in Maleeshiyadii beelweynta Surre ay haatan dib ugu soo noqdeen deegaankii ay maamulayeen.

Deefow ayaa horay ula wareegay Maleeshiyaad xawaadle oo kaashanaya ciidanka maamulka Hiiraan oo ka soo jeeda ha beel oo ah beesha Xawaadle.

Xabada ayaa haatan ka socota duleedka baladweyne,iyadoo laga baqdin qabo in dagaalka uu saameeyo xarunta Maamulka gobolka hiiraan Ee baladweyn.

Deegaanada Deefow iyo kabxanleey waxaa ku soo noqday dagaal beeleedyo dowladu ay iska indha tireyso iyadooba lagu eedeeyay in ciidamadeedu ay qeb ka qaateen dagaalada.

Xaalada ayaa wali kacsan khasaaraha lama xaqiijin karo maadaama dhinacyadu ay wali dagaalamayaan.
Dhinacyada dagaalamaya ayaa ahaa kuwo maalmahaan isku hor fadhiyay gudaha deegaankaasi iyo beesha Surre oo diyaar garow ay dib ugu hantaan degaanadooda halkaa ka waday, iyo weliba in la xakaameeyo beeshan dulmiga ku bahowday duulaana ku aha degaanada iyo shacabka reer Kabxableey, Deefow, iyo Madiina.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Baladweyne Oo Laga Baqdin Qabo In Dagaalku Uu Ku Fido"

Leave a comment

Your email address will not be published.