Qasaaraha ka dhashay Dagaalkii Baqa Cararka ee shalay dhex maray Beesha Surre iyo Beesha Bariga Baladweeyne Wax ka dagtaa.

Qasaaraha ka dhashay Dagaalkii Baqa Cararka ee shalay dhex maray Beesha Surre iyo Beesha Bariga Baladweeyne Wax ka dagtaa.

Waxaa Warar Faahfaahsan ka helnay Dagaalkii Baqa Cararka ahaa ee Maalinimadii shalay dhex maray Beel weeynta Surre iyo Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degtaa ku dhex maray Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Nawaaxiga Deefoow iyo Kabxanleey,

Sida aan wararka ku heleeyno Abaarihii Kow iyo Tobanka waxaa Beel weeynta Surre kusoo qaaday weerar gaadmo ah Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagta waxaana dhex maray dagaal gaaban oo mudo yar socday,

Wararka aan ka heleeyno Goobta dagaalka ayaa Xaqiijinaya in uu weerarku ahaa mid naf la caari ah oo aan ku dhisnayn Niyad waxaana Beesha Bariga ka Muuqatay welwel iyo kalsooni xumo Sababtay markii ay rasaastu isku duba dhacdayba in ay Baqo cararaan,

Warka Naga soo Gaaraya Goobta Dagaalku waxeey Xaqiijinayaan in Beel weeynta Surre Wiilna uga dhiman isla markaana aanuu jirin wax dhaawac ah iyo Qasaaro Hantiyeed midna hasa yeeshee Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagtaa ay goobta uga carareen Laba Mayd lamana oga in ay jirto dhimasho kale iyo dhaawac.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Qasaaraha ka dhashay Dagaalkii Baqa Cararka ee shalay dhex maray Beesha Surre iyo Beesha Bariga Baladweeyne Wax ka dagtaa."

Leave a comment

Your email address will not be published.