Dhageyso: Nabadoon kasoo jeeda Deefoow oo shaki geliyay suuragalnimada Nabad ay qaataan beesha Xawaadle.

Dhageyso: Nabadoon kasoo jeeda Deefoow oo shaki geliyay suuragalnimada Nabad ay qaataan beesha Xawaadle.

Nabadoon Cabdiraxmaan xuseen xaaji oo ka mid ah wax garadka ka soo jeeda deegaanka deefow ayaa soo dhoweeyay hadalkii dhowaan kazoo yeeray madaxweynaha jamhuuriyadda jabuuti ee ahaa in colaada la joojiyo.

Nabadoonka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan hadalka madaxweynaha jabuuti dhankoooda, laakiin waxaa ka deyriyay suuragalnimada inay nabadoonnada hiiraan ay qaataan nabada oo ay dhaqan gelinayaan.

Nabadoonka ayaa dhaliilay madaxweynaha soomaaliya oo uusan dhaxdhaxaad ka ahayn colaada, waxaa uu ka gaabiyay madaxweynaha inuu amar dowladeed ku joojiyo duullaanada joogtada ah ee deegannada deefoow iyo kabxanley.

Nabadoonka ayaa sheegay in deeganadooda xabad looga qabsaday ayna xabad kusoo ceshan doonaan, maadaama dhulkoodii wali ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka hiiraan oo weerar ku qabsaday guryihii iyo beerihii ay lahaayeen shacabka ku dhaqan deefoow iyo kabxaleey.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Nabadoonka oo dhameestiran.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhageyso: Nabadoon kasoo jeeda Deefoow oo shaki geliyay suuragalnimada Nabad ay qaataan beesha Xawaadle."

Leave a comment

Your email address will not be published.