Inta aan loo dhaqaaqin dhisme Maamul Goboleed waa in la Xaliyaa dhibaatada ka taagan Gobolka Hiiraan.

Inta aan loo dhaqaaqin dhisme Maamul Goboleed waa in la Xaliyaa dhibaatada ka taagan Gobolka Hiiraan.

Madaxweeynaha Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay in Labada Gobol ee kala ah Shabbeelaha dhexe iyo Hiiraan in loo dhisi doono Maamul Goboleed ay ku Mideeysan yihiin Wuxuuna ugu baaqay Reer Hiiraan in ay ka qayb qaataan dhismahaas,

Baaqa Madaxweeynaha wuxuu kusoo aaday iyadoo ay dhibaato ba,an ka jirto Gobolka Hiiraan Maamulkiisana ay islaheeysiyeen hal Beel oo kaliya Beeshaas oo barakicin iyo Dhulboob ku heeysa Beelaha kale ee degan Gobolka isla markaasna uu dhiig badan waqtigan xaadirku uu ku daadanaayo,

Gobolka Hiiraan waxaa degan Beelo badan oo nabada iyo Walaalnimada aad u jecel waxaase Tuke Canbaar leh ku noqday Hal Beel oo naas nuujin ka heeysata Madaxtooyada Iyadoo aaneey Beeshaas marna diyaar u ahayn in Nabad iyo wanaag ka aslaaxdo Gobolka Hiiraan waxeeyna aamin san yihiin in ay si gaar ah u yeeshaan arintaas oo ah Xaajo waali huwan,

Maanta Gobolka Hiiraan waxaa ka jira Maamul ku sheeg ay Beelo badan ka maqan yihiin Beelaha ku jirana aaneey Xaquuqdooda helin hadaba waxaa haboon inta aan loo dhaqaaqin Maamul Goboleed in marka hore Xal loo helo Beeshan Jid iyo Jiha diidka ah.

Waxaa Qoray Maxamed C/Samad C/llaahi

cowslafil.com

Be the first to comment on "Inta aan loo dhaqaaqin dhisme Maamul Goboleed waa in la Xaliyaa dhibaatada ka taagan Gobolka Hiiraan."

Leave a comment

Your email address will not be published.