Maxay ku soo kordhin kartaa nabada ay ku baaqeen Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Ismail Omar Geele Gobolka Hiiraan

Maxay ku soo kordhin kartaa nabada ay ku baaqeen Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Ismail Omar Geele Gobolka Hiiraan

Waxaa maanta soo gaaray gobolka Hiiraan Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismail Omar Geele.

nabada_geele_culusow

Labada Madaxweyne oo ku baaqay in nabada la qaato, colaadana la joojiya, iyo weliba in ay dowlada garab ka geysan sidii wax looga qaban lahaa burburkii soo gaaray degaanada colaada ay saameysay mudo ka badan labo sanno.

Madaxweyne Hassan Sheikh ma aha markii ugu horeysay ay dowladiisu nabad af ah iyo balan qaad in dib loo dhisayo guryahii iyo beerahii shacabka reer Kabxanleey iyo Deefow oo si arxan darro ay beesha ku soo duushay degaanada dab u qabadsiiyeen.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismail Omar Geele oo ah shaqsi ay ku dheer tahay soomaalinimada, runtiina aad uga danqan dhibaatada haysata umada soomaaliyeed ayaa isna si cad u sheegay in colaadaha dhinac socota qorshaha ciidamada AMISOM ay aad u dhibeyso isaga shaqsi ahaan, maadaama ay ciidamada Hiil walaal ay halkaa u joogaan in dalka laga qabto nabad diidka, dadka degaankana garab lagu siiyo xasiloonida iyo horumarka gobolka, ayaa waxaa ayaan darro ah in colaad iyo bur bur hor leh loo horseeda Gobolka Hiiraan.

Hassan Sheikh nabada uu ku baaqay iyo balanqaadyada uu sameeyey horeyna gobolka Nabad ugama dhalin, wax isbedel ahna kuma soo kordhin, xaqiiqda jirta ayaa ah in dadka lagu dhibaateyn degaanada Kabxanleey iyo Deefow ay ka raja dhigeen dowlada Hassan Sheikh oo aysan haddana sugeyn in ay soo kordhin wax is bedel ah.

Madaxweyne Ismail Omar Geele nabada uu ka codsaday dadka degaanka in la helo waxay ku xiran tahay in beesha nabad diidka ah ee mar walba duulaanka ku ah Kabxanleey iyo Deefow haddii ay dulmiga daayan nabadna laga helo, waa suura gal in ay dhaqan gasho, lana helo ama ay fusho codsiga Mudane Madaxweyne Ismail Omar Geele.

Haddaba dhaqamada lagu arkay gobolka, qaasatan colaadaha soo jiitamay ee lagu hayo dadka degaanada kabxanleey iyo Deefow ayaa ah in beel nabada diidan, duulaan joogta ahna ku haya degaanadan, cid ay wax ka maqlayaana aysan jirin ay sabab u tahay in aan nabad la helin, mustaqbalka iyo xasiloonida gobolkana ay maanta meel xun marayso.

Haddaba waan arki wixii ka soo kordha degaanada Kabxanleey iyo Deefow, iyo weliba nabada ay ku baaqeen labada madaweyne.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Maxay ku soo kordhin kartaa nabada ay ku baaqeen Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Ismail Omar Geele Gobolka Hiiraan"

Leave a comment

Your email address will not be published.