Xildhibaanada Beesha Surre oo Dayacay Danta Degaanada Ay Matalaan, Kana Door Biday Dantooda Gaarka ah (Waa maxay sababta?!!)

Xildhibaanada Beesha Surre oo Dayacay Danta Degaanada Ay Matalaan, Kana Door Biday Dantooda Gaarka ah (Waa maxay sababta?!!)

Taariikh xumida Xildhibaanada beesha Surre ma aha wax la qarin karo, taas ayaana igu kaliftay inaan u iftiimiyo bulshada ka soo beesha Surre ee maanta dhibka ku heysto dhammaan Gobolada dhexe ilaa iyo koofurta Soomaaliya.
Waaa maqaal aad u xiiso badan oo taxana ah oo aan idinkugu soo gudbineyno waxqabadki xildhibaan kasta fadlan
wixii dhaliil ah ama ammaan ah oo aad dooneyso inaad nala wadaagto ku soo gudbi adigoo ku reebaya dhaliishaada sanduuqa faalada.

Mahadsanidiin.

Xil.Beesha Surre

21 Comments on "Xildhibaanada Beesha Surre oo Dayacay Danta Degaanada Ay Matalaan, Kana Door Biday Dantooda Gaarka ah (Waa maxay sababta?!!)"

  1. Ka daroo dibi dhal
    Maantana
    Surre ma,wuxuu qaatay wasiir ku xigeenka xanaanda xoolaha.
    Yaab koleey gaarane wuu ku qabansanyahay ileen faarax cabdulqaadir ayuu u,ahaa afhayeen.

    • Asc , marka hore waxaan halkaan ka salaamayaa maamulka shabakadda Cowslafil.com oo aan aaminsanahay inay beesha u hayaan shaqo muhiim ah waana soo dhaweynayaa ,teeda kale waxaan halkaan ka salaamayaa dhammaan inta ku abtirsata Beesha Surre.
      haddii aan dib ugu soo noqdo cinwaanka maqaalka aad baan u soo dhaweynayaa maxaa yeelay fool xumada maanta beesha Surre heysata waxay kaga timid xildhibaanadeena bal miid mid u fiiri oo dib u raac haba sii kala fool xumo badnaadeene,

  2. cowslafil wan idin salaamay

  3. waayaab ama meesha lama tago ama waa lagamaqanada waasuaal daaweeyn horta maistaqanan adinku?

  4. oo maislatashatan?

  5. uf waa muuqata iney cidna waba terikarin treeyn

  6. waxaa ah mid aan la qarin karin sida eey xildhibaanada sure ooga jiifteen dhibaatada heeysato dadkooda waxaan dhihi lahaa xildhibaanadaas danta dadkiina ka hor mariya midiina qaas ka ah .waxaan dhihi lahaa beesha sure xildhibaanadu waxeey kufadhiyaan waa kursigii beesha sure maxaa loola xisaabtami waayay xildhibaanada beesha sure

  7. waa dad xumo iyo damiir la’an in xildhibanada aan magacoda ku faano eey masha is dhigaan dadkidana lagumodo waxaa leyahay war dad nagabadan majiraan ee aan midowno dadka kale aan tusno maxeey yihiin horta besha surre yes we can do everything

    • Abdi Wali anigoo nin ku abtirsada magac Surre, waxaan doonayaa in aan kaaga jawaabo. ereygaan laga maqlo Obama ee aad soo hadal qaaday YES WE CAN DO. iyo dad naga badan ma jiro. OK. Horta adeer, jawaabta wax weeye sidatan;
      NO, YOU CANNOT DO ANYTHIG. Sababtoo oo ah dad deegaankood isku dhaganeyn oo laf walbi meel fog shishey ku dhex jirtaa waxba adeer ma sameyn karaan, dadka kale oo gobolada lehna waxba lama qeybsan karaan. Tan labaad waa runtaa oo waad tiro badan tahay. Tiraadaadu wax ma tareyso haddii aadan meel wada daganeyn. Sidaa daraadeed nimankaan xun oo aad ku sheegtaan xildhibaanadu. Waxey u arkaan, mid walba laf hoosaada u magacooda mushaarka ku qaato in ey yihiin alaab yar sanduuq ugu jirta. oo haddii la soo hadal qaado in lafaha Surre meel la isugu soo guuriyo oo ey yeeshaan gobol in uu waayey kursigiisa ah facaa tuug oo qabaa’ilka gobolada sameystay u dabo fadhiyo.

  8. Adeer wax la dayacay ma jiraan gab gabta iska dhaaf

    • maxamuud Cabdisalaam | February 17, 2015 at 2:42 am | Reply

      Arrimahaan aad ka cabanaysaan isla annagaa ayaa ka masuul.
      waxaan fiirinnay dano dhaw oo shaqsiyadeed ama qaraabo hooseed, taasna waxaa ku luntay danta guud ee qabiilka. sheekada hadda waxay maraysaa labo walaalo ah oo isbededalayo ama wax sidaas oo kale iskugu dhaw oo u tashanayo inay isku wareejiyaan. Aaway dadkii kale Aaway tolkii. Malaha wax rababa ma jiro.

      Hawsha waa Qabiil, Qabiilka ha tashto cidda ay meesha gaysanayaan oo ha isku raacaano ayado danta guud la fiiranayo. haddii kale fadlan ka dhaafo qashqashaada walaalaha iyo ilma adeerta isla garatay inay ayaga un isu dhiidhiibaan, oo danahooda gaarka ah sameeyaan.
      Kollay ayagaba waa tol tala xumaaday oo meel dhaw oo raqiis ah wax ka arkay. Waxayna ogayn, aakhirkii markii tolka meesha ka baxo ayagana meesha inay ka baxayaan waayo tol ishaysto oo ay ku tiirsadaan ma laha

  9. Sure talo aan uhayaa haqatan wey libanayaan . Qubeys bacadweyn iskugu imada suldan doorta .. cabdalle xiraale iskugu imada ugaas isku raca kadibna labada ugaas halaga danbeeyo waxii xildhiban sameyo si ey ulaxisabtamaan .. iyo jagpyinka beesha xaqa uledahay .. taladas qata waa libaneysaan

  10. Asc aniga waxaan aad udaleecaynyaa xildhibaan cabdinasir garane oo ka mid ah ragii riday raisalwazarihii hore asagoo taageersan hassan gugurte ogna kabxanleey iyo deefow in uu xassan sheekh xawaadle gacanku siiyo hadana wasiir kuxigeen xanaanada xoola qaatay ceeb.com

  11. Mohamoud Abdisalam Alim | February 17, 2015 at 2:16 am | Reply

    Waxii qabiil lagu qaybsadaa waa in qabiilka ka tashto oo ay geeyaan cidda ay is lee yihiin way nama tali karaan , noo soo qaadi kara cadkeenna ama xaqqeena.Hadday adkaatana iscasilayo oo u bannaynayo ciddi isleh waxbaad metali karta. Arrinta ma aha shaqo la doontay oo CV iyo aqoontaada iyo waxaada gaarka kuu ah aad ku hesho sida shaqooyinka UN ta, UNDP, WFP,iwm oo la rabo Matalan senior agronomist, Chief accountant. Marka haddii Surroow aydan tashin Karin , maxaad ku eedi qof meelahaa cararay, ee magaca siduu doonaa u isticmaalo, dantiisana ka raacdo. Dadka meel cidla ah ha ka eedina , su’aasho waxaa weeye Yaa gaystay, Talo loo dhan yahay meesha ma ku tageen. Ama qabiil noqdo talo wax ku gaysan karo ama ka dhaafa xumida qof isagaba ku leh anaa iskay meesha isu geeyey. marka maxaad igu darsatay!!!!!

  12. FARIIN KU SOCOTA INTA KU ABTIRSATA SURRE.

    Surrow, horaa loo yiri ” calaal iyo way ciil ma biyaan”
    Hadaba waa Eebe mahadii hadaad, maanta aad dareenteen waxa tolkiin ku sugan yahay. Marka aan akhriyey maqaalada laga qoray kuwa xildhibaan isku sheega ah ee idinka dhashay.
    Xadaba waxaan fariintaan idinku soo diray. in aad idin dareensiiyo ama idin taabsiiyo xididka sababta dhibaatada iyo magaca xumid idiku heysta dalkii Somaliya la oran jiray, meel kasta oo aad ka joogtaan. taasoo ah waxa cid waliba idiin xaqireyso, u dooneyso in hantidiina dhacdo sida ka dhacday kabaxananley iyo deefow, meel kastoo aad joogtaan mar dhow ku socota.
    Xidadka sababta dhibku waa mid kaliya ama qur ah.
    Waa deegaan la’aan. waxaan keenay hogaan iyo talo la’aan.
    waxaad isku heystaan in Somaliya aad ku leedihiin degaan.
    Lakiin waxaa la yiri ‘ runtu rag kama nixiso’ runtuna waxa weeye: laf walba oo idinka mid ah waxey dagan tahay degaan ama gobol loo aqoonsan yahay qabiil shishey ah. oo macnaheeda runta ah yahay; meel looga tiro badan yahay.
    Laf walba ama jifo walba waxey ka fag tahay mida meesha kale dagto. waliba mid waliba waxey dhex taalaa shisheye.
    Taasi waa sababta ka dhigtay dadka loo yaqaan Midgaha oo Somali ugu geysisan uguna shiish badan gun la gumeysto.
    ileen koox waliba oo iyaga ka mid ah waxey iskala joogaan qolo iyaga ka badan. Ma jecli in aan mitaalkaas u soo qaato
    tolkey Surre , lakiin waa in aan runta isu sheegnaa. oo marka la is weydiiyey cilmiga filosofiyada oo la yiri, waa maxay beenta, beenta ugu xumi? jawaabta waxey noqotay:
    beenta beenta ugu xumi in ey tahay mida naftaad aad u sheegto. ama waxa af somaliga loo yaqaan ” naftii hafre”
    qof xanuunsan markuu takhtar u tago, Takhtarku ma daweyn karo, haddii isaga iyo takhatarku aqoonsan marka ugu horeysa cudurka haya iyo meesha laga hayo. ileen lama yaqaan dawadiisa iyaada marka hore cudurka la ogaan.
    Aan usoo noqdo cudurka haye Surre.
    Cudurka Surre hayaa, waxa loo yaqaan af Ingriiska ( Self denial) oo af Somaliga lugu yiraaho doqon is diidsii.
    Waxa laga yaabaa dhaliyarada dibadaha ku kortay ama wax ku baratay in eyn af Somaligaa culus fahmin. Si ugu jilciyo waxa weeye marka qof qufacay oo malax tufayaa u yiraa ma jirani. Markii daawo iyo cisbitaal lugu soo qaadana uu qaato in isaga la caayeyo. oo si xanaaq u diido.
    Hadaba rag surre u taliya weeye ka xanaqaan marka lugu soo hadal qaado. Arrinka ah war maan ka talino sida tolkeen waa tiro badan yahay xoogiisa meel ama gobol ey sheegan donaan aan isugu keeno. Markii aan baaranay, sababta ey uga xanaqaan in tolkood u yeesho gobol ama degaan ey isugu tagaan oo iyaga gaar u noqda, sida qabaa’ilka kale ee Somalida ah. Sababtu waxey noqotay tan soo socota ee akhri, haddii aad tahay will ama gabar surre;
    Nimanka idiin taliyaa waxey u arkaan lafta Surre uu magacooda dad kale ku tuugaa, in ey tahay alaab sanduuq ama armaajo ugu jirta oo haddii ey ka guraan caloosha shishey oo dhex dagan yihiin in uu waayayo kursiga ama lacagta uga aruuriyo dagaalbaa dhacay in uu waayeyo.
    Hadaba haddii dadka idiin taliyaa sidaa yihiin. oo ey ka go’antahy in aan waligiis Surre dhibaatada Juqaarafiga oo heysa uusan ka bixin. Maxaa loo waayey hal nin oo Surre ah am hal gabar oo ka hadasha ama ku talisa in Surre degaan yeesho? Arrinkaan eediisa inagoo dhan eyey garbaha noo saaran tahay. ee ogaada.
    Maalin walba waad maqashaan dagaal ayaa xaga ama xaga ka dhacay, iyo lacago la aruurinaayo. iyadoon la is weydiin war sababta keentay maxey tahay? meesha la sheegayo ma ka dagaalami karaa ? Ma isaga soo gurman karaa? mise waa shesheye dhexdii , waxaan noo dhexeya shisheye kale? lama ogola su’aalahaas. Taasin waxey keentay ilaa 1990 in Surre u ku dhamaado dagaalo aan natiijo aan laheyn. qabaa’ilka Somalida dagaalamayaa , waxey u dagaalamaan dawladnimo iyo dhul. midna runtii ma heyn. oo dadkeen dagaalama ma ahee wax kale oo yaqaanin ma jirto.
    Haddii aad tahay qof surre u dhashay. bal xusuus oo tiri, inta jeer oo qof shisshey ah ku weydiyey su’aashaan soo socota:
    Idinku xagee dagtaan? amse Xagee ayaa wadanka dagtaan?
    bal maxaad ugu jawaatay. Af aad ku hadasho in uusan ku oolin ayaan u meelaynayaa.
    Runta wax weeye meel ama gobol walba waa nalo ka badan yahay. War hee dhahay, xoog aan uruursaneyn xoog ma noqdo. Dagaal walba iyo dakana walba waad ku jirtaa.
    Maxaa inoo diiday, haddii aan dagaalameyno oo dhimaneyno iyo aan lacag ururineyno oo kharaj galeyno. in labadaasba aan u isticmaalo xalka dhibka in heysta ee ah kala fogaanta Juqaarfiga dhulka ku saleysan?
    Xalka dhibka ina heysta ee gun naga dhigay, hal fure ayuu leeyahay. Ayadoon halkaa fure la helin. Ma dhaceyso in aan Somalida kale tixi galin ka helaa. Cid waliba waxey ku fiirin hoos oo lugu yasayaa. Waa in aan isbadalka waqtiga taarikhda la soconaa. oo ina bareysa in waqtigii la dagaanansha qabiil kale ama af Somaliga hore lugu oran jiray SAAR oo macnaheedu ahaa dad tiro yar oo iska hoos jooga dad ka badan, maanta waa dhamaatay.
    Ninkii ku yiri sida Xawaadle, war iga guur, ileen meshaan waa kaaga badan yahay. wuxuu ku falay asxaan. Ileen waxuu ku xasuusiyey, arrin loo baahanaa in aadiga intuusan ku dhihin aad ogaato. oo meeshana isaga tagto. Waan garan karaa qaarkiin in ey ka xanaaqayaan markaan sidaa u dhigo hadalkeyga. Hasa yeeshee, haddii caqli leedihiin, waxaa ka xanaaqi laheydeen kuwa tala xumad khasaaraheedu muuqda dadkiin ku dhameyey. Horaa loo yiri ( ciilow bey talo xumaan cudur ka weyneyne). Waa talada oraneysa. ka dagaalama gobol walba. ka dagaalama Puntaland oo Majeerteen la dagaalama. Ka dagaalama Sacad oo kula dagaalama Mudug
    la dagaalama Salebaan oo kula dagaalama Cadaado goonyaheeda dhanka kale waxaa ka xiga Sacad oo walaalkood. la dagaalama Xawaadle kula dagaalama Hiraan.
    Taasoo, ah talo ba’day oo caqli aan galeyn. Qabiil waxey qabiil ku tahay markey yeelato degaan ayada u gaar ah. oo xoogda dadka iyo ciidan ku aruursan yahay.
    Dadka Surrow, kac oo ka bilaab ficilkiina in aad abaabushaan u kacdaan oo xool iyo naf u hurtaan in dadkeena aan isu soo rarno. oo meel isugu keeno. Qaar doqoma ayaa oran doona
    xagee aadnaa? meel walba dad ayaa leh? iyo ku xun oo dhihi doona; meesha aan joogo ka tagi meyn?
    Jawaabtoodu, Dhulka Ilaahey waa furan yahay, oo meel ka xiran ma jirto. tan labaad meel walba oo Somaliya ah oo xoogaaga isugu geyso adigaa leh. Nin waliba meesha uu ku xoog badan yahay isagaa leh. Surre meel isugu tagay, waxaan hubaa in cid waliba uu ka xoog badan yahay, oo meesh uu qabsado cidan ka qaadi, karin hadduu saas yeelo u xitaa wadanka Somaliya oo dhan xukumi lahaa.
    Dadka lugu tilmaamo Somaliya la’aan gaabka. waxa idin leeyaha, qaar waxaa ka dhigay Ilaahey laa’an gaab, lakiin waxaa jirta qolo aan cidina ka tira badaneyn , oo cidana ka geesisaneyn oo la yiraaho oo iyadu iska dhigtay ama jecel in ey la’aan gaab ahaato.
    Dhulka Somaliya iyo Itobiya gobolka Somalida cid kaa leh ma jirto. cid ku diid kartaan ma jirto. Lakiin adigaa is immaad la’aantaad ayaa ku diiday.
    Inta aad dooneysaan in aad ahtaan qabiil qabiil kale hoos taal
    gumeysi ka bixi meysaan. kuwa leh meesha aan joogo ka tagi maayo. Ma weyn ogeyn meel loo aqoonsan yahay oo magacood ku yaal in ey ka jirin mapka Somaliya. Inta aadan diidin in aad guurto, xagee dagantahay is weydii, maxaase sharaf ood tolkaa ku joogaa. meel walba oo ey laf naga mid ihi dagto waxaa loo aqoonsan yahay magac dad kale.
    Waad maqasheen in Xildhibaan ku sheeg naga mid ihi uu garowe inta tagay yiri anigu ogaad Puntaland ayaan ahay.
    Mid kaloo ka tagay Bacadweyn ayaa isna leh waxaan diidanahay Xibin iyo Xeeb oo waxan wasiir ka ahay Galmudug.
    kuwa kale ayaa waxaa ku jiraan Ahlu suna wa jamaacada galduud oo Ceyr iyo Marexaan. Kuwii noogu dagaanka roonaa ee reer Bay waxaa ku dagaalamay Jubaland iyo Raxanweyn. Kuli intaas oo magac waa loo dhashaa ee lama noqdo.

    • Waan Salaamayaa Dhamaan, Laga Bilaabo Bahda Cowslafil Ee Isu Howshay In Haba Yaraadi Ittaalkooda Dhanka Mediyaha Ee (Isaguba Noogala Raayay Intaananba Dagaal Lagaarin)Waxyar Un Dhawaqa Iyo Kacdoonka Gaarsiiyaan Magaca SURE Meelkastoo Uu Joogo. Marka Xiga SXBKA Magaca DIRIYE BARRE Wattaayi Waad Dedaashay Walow Qoraalku Aad Inoogu Dheereysay Oo In Badan Lawada Akhriyi Karin Haddana Waxa Isoo Jiitay Dhowr Aragti Oo Muhiim Ahaa Hase Ahaattee Aaadan Jawaabo Waafi ah Aadan Kabixin!!!! Waxaan Kaaga Fadhinnaa Adoonan Canbaareyn Kabiqin Inaad Tiraaho “Halkaa Hallo Guuro Oo Halla isugu tago Sababta Aad Deegankaa Kudoortayna Raaciso, 1,2 iyo 3 Sababood Oo Istiraatiijji ah. Taasi ayaa Caqliga Qaadan Karayaa Intii Aad Meel Cidlo ah halla guuro lasoo istaagi lahayd. Mahadsanid Walaalo.

  13. Hadday wax hallaysan yihiin ka tashada,

  14. Waan Salaamayaa Dhamaan, Laga Bilaabo Bahda Cowslafil Ee Isu Howshay In Haba Yaraadi Ittaalkooda Dhanka Mediyaha Ee (Isaguba Noogala Raayay Intaananba Dagaal Lagaarin)Waxyar Un Dhawaqa Iyo Kacdoonka Gaarsiiyaan Magaca SURE Meelkastoo Uu Joogo. Marka Xiga SXBKA Magaca DIRIYE BARRE Wattaayi Waad Dedaashay Walow Qoraalku Aad Inoogu Dheereysay Oo In Badan Lawada Akhriyi Karin Haddana Waxa Isoo Jiitay Dhowr Aragti Oo Muhiim Ahaa Hase Ahaattee Aaadan Jawaabo Waafi ah Aadan Kabixin!!!! Waxaan Kaaga Fadhinnaa Adoonan Canbaareyn Kabiqin Inaad Tiraaho “Halkaa Hallo Guuro Oo Halla isugu tago Sababta Aad Deegankaa Kudoortayna Raaciso, 1,2 iyo 3 Sababood Oo Istiraatiijji ah. Taasi ayaa Caqliga Qaadan Karayaa Intii Aad Meel Cidlo ah halla guuro lasoo istaagi lahayd. Mahadsanid Walaalo.

  15. BISMILLAH WAR MAKUWANBA NAMATELO NAMETLO , WAABA DHIMANAYE.

  16. sc dhamaman wan salamaa dhaaman tafatirha iyo shaqaalaha wabsetka dhaaman

Leave a comment

Your email address will not be published.