Guddoomiyihii Baarlamanka Djibouti Idiris Arnaoud Cali oo Xalay ku Geeriyooday

Guddoomiyihii Baarlamanka Djibouti Idiris Arnaoud Cali, ayaa xalay ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, halkaasoo uu xaalad caafimaad ugu jiray. Geerida Marxuumka waxa xaqiijiyey Idaacada iyo Telefishanka Dawladda jibouti niskii hore ee xalay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo isla xalay Warbaahinta dawladda ka hadlay, ayaa ku dhawaaqay in saddex maalmood oo Barooq-diiqa loo samayn doono Geerida Guddoomiyihii Baarmanka Dalkiisa.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa geesta kale, shacbiga reer Djibouti ka tacsiyaddeeyey Geerida Idiris Arnaoudi oo ahaa rug-cadaadi siyaasaddeed oo taariikh fac weyn ku lahaa Saaxada Dalkiisa.

Geesta kalena, hogaamiyeyaasha wadamada Gobolka iyo Siyaasiyiinta xidhiidhka wada-shaqeyneed ee Baarlamaaniga ahi uu ka dhexeeyay ayaa dhambaalo tacsiya u diray umadda reer Jibouti ee uu ka baxay Marxuumku.

jawaari-jabuuti-9-620x411

Taariikh Nololeedka Rug-cadaadi siyaasaddeed Idiris Arnaoud Cali

Idiris Arnaoudi Cali, oo ahaa Siyaasi ka soo jeeda Qoomiyada Canfarta Djibouti, wuxuu ku dhashay Gobolka Cali Sabiix sanadkii 1945-kii bishii December.

Laga bilaabo 1982, wuxuu ka soo qabtay xilal muhiim ah oo kala duwan ee Air Jabuuti. 1-dii April 1985, wuxuu noqday ku-xigeenka Agaasimaha-Guud ee Hay’adaas . waxaanu isla markiiba u dalacay Agaasimaha Guud 25 April 1986 ilaa 1 March 1990, ayuu ahaa Agaasimaha Guud.

bilaabo 1 March 1990 in 31 January 1991. Wuxuu ahaa la Taliye ka ahaa Wasaaradda Waxbarashada Qaranka ee 1992 ilaa 1997 oo loo doortay Golaha Qaranka ee dalkaas December 1997 doorashadii baarlamaanka. [1] iyo Musharaxa afaraad. (FRUD) ee Degmada of Djibouti.

Bishii Janaury ee 2003-kii doorashadii baarlamaanka, Idiris Arnaoudi Cali waxa dib loogu doortay Golaha Qaranka, Musharaxa afaraad ee ku jira liiska murashixiinta xisbiga talada haya ee Midowga Aqlabiyadda Madaxweynenimo (UMP), ee Degmada Djibouti.

Bishii Jully 2003, ayaa sidoo kale loo doortay Xog-hayaha Guud ee Fulinta Xisbiga RPP oo sanadkii 2012-kii uu kala wareegay Ilyas Moussa Dawaleh oo hada xilkaas haya.

Geesta kale, Doorashadii Baarlamanka Dalka Djibouti ee sanadkii 2013-kii dhacday, ayaa mar kale loogu doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Dalkaas, waxaanu Aqlabiyada codka ee Golaha Qaranka Djbouti helay kaddib markii cod loo qaaday.

Lama sheegin xanuunka uu u geeriyooday, hase ahaatee masuuliyiinta Dalkiisu waxay intaas ku dareen in Jinaasadiisa loo soo qaadi doono dalkiisa si aas qaran loogu sameeyo.

Cowslafil.com

Be the first to comment on "Guddoomiyihii Baarlamanka Djibouti Idiris Arnaoud Cali oo Xalay ku Geeriyooday"

Leave a comment

Your email address will not be published.