War deg deg ah oo naga soo gaaray magaalada Baladweyne

War deg deg ah oo naga soo gaaray magaalada Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa waxaa uu sheegayaa in shalay aroortii magaaladaas lagu dilay Nabadoon Kuulow oo kamid ahaa wax garadka sida weyn looga yaqaanay magaaladaas.

Allaha u naxariisto nabadoon Kuulow oo ahaa shaqsi magac iyo miisaan ku leh bulshada Hiiraan dhexdeeda, aadna ugu ololeeya nabada iyo hormarka gobolka, maalmahii ugu danbeeyeyne waqti badan gelin jiray sidii shacabka reer Hiiraan loo mideyn lahaa, si nabad iyo xasilooni ah gobolkana loogu noolaan lahaa ayaa waxaa dil u geystay gacan ka gardaran Nabadoonka Soomaaliyeed.

Warar aanu ka heleyno gobolka ayaa sheegaya in ciidanka AMISOM ay ka baadi goobayeen Bariga Baladweyne gacan ku dhiiglayaasha dilka u geystay Nabadoon Xaaji Quuroow. Warar aanu si hoose u helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha beesha Xawaadle (Cabdifataax Xassan Afrax) oo mudadii uu xilka hayey ku mashquulsanaa in marna uu ku duulo Kabxanleey iyo Deefow, marna dagaal lagu qaado shacabka ku dhaqan galbeedka baladweyne, ayaa hadda waxaa isa soo taraya tuhun bulshada gobolka oo ay qabaan maantana inuu u Cabdifataax u soo dhigtay in laga fuliyo dilal qorsheysan oo loo geysan odayaasha nabada jecel ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan. Halka dad badan oo ku dhaqan gobolka Hiiraan ay qabaan in Cabdifataax Afrax uu u adeegsaday mooryaantiisa dilka marxuum Xaaji Kuulow.

gudoomiye_hiiraan

Maamulka Cabdifataax Afrax iyo beeshiisa ayaa waxay caadeysteen in ay u hanjabaan cidii ka hadasha nabada iyo mustaqbalka gobolka, iyagoo aaminsan in gobolka arrimahiisa aysan ka hadli karin cid kale, cidii ka hadashaana ay talaabo ka qaadi.

Arrimahan dilka, barakicinta shacabka hiiraan, degaanada la gubayo intaba waa waxyaabaha laga hayo maamulka gobolka intii ay hayaan masuuliyada gobolka, Hassan Sheekh’na uu madaxweynaha ahaa, taas oo sabab u ah in aan lala xisaabtami karin ficilada argagixisonimo oo ay ku midoobeen beesha hogaanka, hantida, hubka qaranka gacanta loo geliyey taasi oo ay ka dhalatay in ay beel qura ku takri fasho xuquuqda dhamaan beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka, halkaas oo waxay doonaan ka sameeyaan gobolka, xusuuq, barakicin, degaano la gubo, iyo in ay dilaan qofkii ay doonaan.

Waxaa gobolka Hiiraan ka socda kulamo ay yeelan dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka si ay uga arrinsadaan mustaqbalka gobolka, loona heli lahaa nidaam iyo awood qeybsi gaarsiisan dhamaan beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka, isla mar ahaantaan xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka, barakicinta, dilalka lagu hayo shacabka, degaanada, hogaamiye dhaqameedyada iyo nabadoonada Soomaaliyeed.

cowslafil.com

Be the first to comment on "War deg deg ah oo naga soo gaaray magaalada Baladweyne"

Leave a comment

Your email address will not be published.