Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkiisa oo xilalka laga qaaday

Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkiisa oo xilalka laga qaaday

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkiisa xilalkii laga qaaday, iyadoo lagu bedelay shaqsiyaad cusub oo horay xilal amni u soo qabtay.

Sida ay sheegayaan warar ay heshay Jowhar.com Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir Col. Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo xilkan loo magacaabay sanadkii 2013 ayaa lagu bedelay C/xakiin Farey oo horay uga tirsanaa Taliska Nabadsugida.

C/xakiin Farey ayaa sidoo kale waxaa uu horay u soo noqday Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxweyne Xasan Sheekh, markii la magacaabay, inkastoo muddo kadib xilkaas laga qaaday.

Sidoo kale waxaa iyana xilka laga qaaday Taliye kuxigeenkii Nabadsugida Gobolka Banaadir C/fataax Shaaweeye, waxaana booskiisa lagu bedelay nin lagu magacaabo Maxamed Xasan oo lagu naaneyso Faran-faro.

C/fataax Shaaweeye ayaa saameysay magacaabida xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir C/xakiin Farey, kaasoo ay isku heyb yihiin.

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ee la badalay Maxamed Aadan Koofi ayaa bilihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Belgium oo ay qoyskiisa u degan yihiin, waxaana warar lagu baray baraha Internet lagu sheegay inuu iska dhiibay, balse mar dambe ay warkaas beeniyeen Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Col. Koofi loo dhiibay xil kale oo ka tirsan Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, inkastoo aanu helin jagada saxda ah.

Dhinaca kale waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay Taliye kuxigeenkii Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya oo isna magaciisa lagu sheegay C/salaan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in xil kale loo dhiibay.

Si kastaba ha ahaatee is bedelkan lagu sameeyay Saraakiisha Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya, iyadoo sanadkii hore Taliyeyaal dhowr ah laga kala bedelay Hogaanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya.

Cowslafil.com

Be the first to comment on "Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkiisa oo xilalka laga qaaday"

Leave a comment

Your email address will not be published.