Ciidamada Ahlu suna oo mar kale la wareegay degmada Guriceel iyo xaalada oo degan

Ciidamada Ahlu suna oo mar kale la wareegay degmada Guriceel iyo xaalada oo degan

ururka-ahlusunna

Iyadoo maanta oo dhan ay dagaalo ka socdeen degmada Guriceel ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in degmadaas ay mar u gacan gashay xoogaga Ahlu suna waljameeca.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada oo saaka mar weerar soo qaaday ay mar la wareegeen inta badan degmadaas hase ahaatee xoogaga ahlu suna ayaa la sheegay iney iska caabin xoogan ka dib mar kale la wareegeen degmadaas.

Weriye ku sugan degmada Guriceel ayaa sheegaya in xaalada degmada ay haatan degan tahay ayna si buuxda gacanta ugu hayaan xoogaga ahlu suna, isagoo xusay in bartamaha degmada ay ka muuqdaan burbur iyo raadadka dagaaladii cuslaa ee maanta ka dhacay.

Ciidamada dowlada ayaa lagu soo waramayaa iney haatan ku sugan yihiin duleedka degmadaas iyagoo halkaas ka wada abaabul dagaal, lamana oga ilaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii saaka oo lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu xumaa ee labada dhinac dhexmara.

Rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa meelaha qaar degmada Guriceel iyadoo meydad askar ka mid ah dhinacyadii dagaalamay lagu arkay jidadka qaarkood sida ay ku waramayaan dad fara ku tiris ah oo ku sugan degmada Guriceel

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ciidamada Ahlu suna oo mar kale la wareegay degmada Guriceel iyo xaalada oo degan"

Leave a comment

Your email address will not be published.