Baladweyne: Aqoonyahan”Nabar Aad Fileysay Naxdin Malahan”

Baladweyne: Aqoonyahan”Nabar Aad Fileysay Naxdin Malahan”

Aqoonyahan Cabdi raxmaan cabdi iidow oo kamid ah aqoonyahanada somaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolka hiiraan ayaa waxa uu ka hadlay dagaalada maalmahaan ruxay xaafa howlwadaag ee degmada baladweyne.

Aqoonyahanka ayaa beeniyay war ka soo baxay maamulka gobolka hiiraan kaa oo ahaa in dagaalka uu u dhexeeyo labo qabiil oo wadadaga degmada baladweye,

Waxa uuna intaa raaciyay aqoonyahankan indadka dagaalamaya ay yihiin labo maamul oo kala ah maleeshiyaad uu wato maamulka dowlada ee gobolka hiiraan cabdi fataax xasan afrax iyo ciidamo daacad u ah maamulka west land state ee ka sheegta in uu ka arimiyo gobolada bakool iyo hiiraan.

“Waxaan rabaa in aan cod sare ku beeniyo warka cabdi fataax uu ku sheegay in dagaalka uu dhexeeyo labo beelood,waxaan rabaa in aan umada somaaliyeed u sheego in dagaalka gobolka hiiraan ka dhacay uu u dhexeeyayay maamulka westland state iyo maamulka cabdi fataax,Somaalidu waxa ay dhahdaa nabad aad fileysay naxdin malahan,waa abaabul maalmahaan cabdi fataax uu waday,waxaan filayaa dagaaladii maalmaahn dhacay cabdi fataax in ay cibro u noqtay,Waxaan Codsanayaa dadkaa walaalaha in aanan la isku baa bi’inin”Ayuu yiri Aqoonyahan Cabdi raxmaan cabdi iidow oo kamid ah aqoonyahanada somaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolka hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada baladweyne ayaa ku waramaya in xaaladu ay tahay mid dagan,waxaana lagu so waramayaa maleeshiyaadkii diriray in ay kala dhex galeen Ciidama Amisom Qeybtooda Jabuuti Ku Sugan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Baladweyne: Aqoonyahan”Nabar Aad Fileysay Naxdin Malahan”"

Leave a comment

Your email address will not be published.