Ciidamada AMISOM oo Dhaqtar Caan ah & Dad kale ku Dilay Beledweyne

Ciidamada AMISOM oo Dhaqtar Caan ah & Dad kale ku Dilay Beledweyne

Wararka ka Imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ay Halkaas ku dileen ilaa 7 qof oo uu ka mid ahaa Nin Dhaqtar Caan ah ka ahaa Magaalada.

Ciidamada Jabuuti ayaa waxaa ay Rasaasta u Fureen si ay u Joojiyaan Dagaal Beeleed ka Billowday Magaalada, Xilliga ay Rasaasta Ridayeen ayaa la sheegayaa in ay Halkaas Dhoobnaayeen dad Shacab ah.

Dhaqtarka Dhintay ayaa lagu Magacaabaa, C/naasir Ibraahim Maxamed Okey Waxaana ay Wada Dhasheen, Wariye C/casiis Okey oo Isaguna ka mid ah Suxufiyiinta Muqdisho ka Shaqeeya.

Wariyahan ayaa laga xaqiijiyey Dhimashada Walaalkiis, kaasoo Sababsaday Rasaas ay Ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ayaa hadda ka hor laga hor istaagay inay kala dhex galaan dagaalada Kabxanleey iyo Deefoow oo ay ka hor istaagtay beesha Bariga Baladweyne oo duulaanka ku ah Galbeedka Baladweyne maalmahan. Ciidamada Jabuuti ayaa noqday ciidan ay ku adeegato Beel gaar ah oo ay ku fushadaan, kuna ilaashadaan danahooda dhulboobka iyo dhibaatooyinka lagu hayo shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo Maamulka Westland State ayaa arrintan weli ka hadlin, lana sugayaa dhawaan in ay jawaab ka bixiyaan shacabkooda oo ay ciidanka Cabdifataax Afrax iyo AMISOM ay ku dhibaateynayaan Galbeedka Baladweyne.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ciidamada AMISOM oo Dhaqtar Caan ah & Dad kale ku Dilay Beledweyne"

Leave a comment

Your email address will not be published.