Galbeedka Baladweyne oo markale lagu dagaalamay maanta

Galbeedka Baladweyne oo markale lagu dagaalamay maanta

Wararka Naga soo gaaraya Degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in magaalda laga maqlayo Rasaas kala duwan oo ay si weydaarsanayaan Labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa ka soconaya Galbeedka Magaalada Baladweyne,waxa uu na u dhexeeyaa labo maleeshiyo beeleed.

Gudoomiye ku xigeenka arimhaa bulshada gobolka hiiraan Xuseen Cusmaan Cali ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu jiro isla markaana qaab kedis ah uu ku bilowday, waxaase uu sheegay masuulkaan in ay ay socdaan waan waan ay wadaan odayo dhaqmeedyada kasoo kala jeeda labada beelood (Gaal jecel iyo Xawaadle) ee diriraya.

“Dagaalku waa uu jiraa anaga ayaa is xalinayna nabadoonada ayaa dhex boodaya labada maleeshiyo,waxaan ku rajo qabnaa in aan soo afjarno hada aan kula hadlayo xabad masocoto,reer baaladweyne iyagaa is xalinya”Ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka arimhaa bulshada gobolka hiiraan Xuseen Cusmaan Cali.

Gudoomiyaaha ayaa ka gaabsaday in iminkan uu dagaalku soconayo,warar soo baxaya ayaa sheegay in xaaladu ay tahay mid kacsan rasaastuna laga maqlayo gudaha beledweyne.

Wixii ku soo kordha wararkeena dambe ayaan idin kugu soo gudbin doonaa insha.allah

cowslafil.com

Be the first to comment on "Galbeedka Baladweyne oo markale lagu dagaalamay maanta"

Leave a comment

Your email address will not be published.