Dagaalada Gobolka Hiiraan yuu u dhaxeeyaa.

Dagaalada Gobolka Hiiraan yuu u dhaxeeyaa.

Xigasho: Shabakada wararka caalamiga deefoow.com

Su,aalo badan oon ka helay Aqristayaasha deefoow.com ayaa waxeey la xiriiraan dagaalada Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa ka socda Deefoow iyo Kabxanleey iyo Qabiilada isku haya Goobtaas hadaba anagoo mar walba rabna in aan aqristayaasheena aan ka dharjino hadba arimaha mugdiga ka gala ayaa waxaan halkan idiinku soo Gudbin doonaa cida uu dagaalkan ka dhaxeeyo,

Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagta ayaa waxaa caado u noqotay marka ay xanuun dareemaan in ay iska qab qabsadaan Dadyoow badan oo aan wax dagaal ah kula jirin Beeshooda waana wax lala yaabo in lasoo hadal qaado magaca Qoowmiyada Dirka oo aan ognahay in ay ka kooban yihiin Dawlado,

Marka aad Maqasho Dirka ma aha Qabiil ee waa Qoowmiyado Leh Dawlado Caalamka laga Yaqaan Marka aan tusaala ahaan u soo Qaadano Dawlada Jabuuti oo Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagtaa u suura galisay in ay wax Noqdaan kana Xureeyay ALL-Shabaab oo aaneey marna Suurta gal ahayn in ay awoodooda uga hoos baxaan ilaa hada Beesha waxeey ku tiirsan tahay oo wax ka dhigay amaba aaneey ka maarmin Dawlada Jabuuti oo ah Dawlad kamid ah Qowmiyada Dirka,

Mana aha wax lala yaabo Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagtaa in ay yiraahdaan Qowmiyada Dirka ayaa na weeraray Sabatoo ah waxaa aad u saameeyay Xanuunka Dagaalada waxeeyna la kulmeen Quwad aaneey maleeysan karin waxaana dagaalada uga Maqan dhalinyaro badan oo ay la ilmeeyeen taasoo iloowsiisay Beeshan in ay ku tiirsan yihiin oo aaneey laaantood dhaqaaqi karin Qowmiyada Dirka ayna ku jisaaraan,

Waxeey kaloo ku doodaan in Kilinka Shanaad uu dagaal kula jiro Beeshan waxaan isleeyahay Riyo ayeey ku jiraan Haddiiba ay dhacdo in kilinka shanaad uu weerar kusoo qaado Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagtaa in ay bilaabi lahaayeen Qax aaneey suurta gal u noqon lahayn in ay dagaalamaanba waayo aad ayaa loo yaqaan awoodooda halka ay gaarsiisan tahay mana aha kuwo u babac dhigi kara Kilinka Shanaad oo leh Ciidamo aad u dhisan,

Dagaalkan Surre ma u dhan yahay hadiise uu u dhamaado maxaa dhici lahaa?

Dagaalkan ma aha mid ay u dhan yihiin Surre oo kamid ah Quwadaha Muuqda ee Beelaha Soomaaliyeed ee waxaa ka qayb ah oo kaliya beelaha dega Gobolka Hiiraan oo hadeey Surre Soo wada Galaan waxaa hubanti ah in Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degtaa ay noqon lahaayeen Qaxooti faarujiya Deegaanadooda oo Magan u noqda Beelo kale waxaase heeysata Beeshan aqoon la,aan Baahsan,

Haddii ay Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degtaa ay u midoobi lahaayeem inta ay Nafla caarinimada ay u daan daansadaan waxaan is leenahay waxaa lumi lahaa Taariikhdooda mana aaneey heli lahayn Xataa Cid ka Badbaadin karta.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaalada Gobolka Hiiraan yuu u dhaxeeyaa."

Leave a comment

Your email address will not be published.