Baaq ay soo saareen beelaha Surre ee Kabxanleey iyo Deefoow

Baaq ay soo saareen beelaha Surre ee Kabxanleey iyo Deefoow

maamulka_kabxanleey_deefow
Inagoo ah hogaanka dhaqanka, culuma udiinka, dhalinyarada, aqoonyahanada beesha Surre ee Kabxanleey iyo Deefoow waxaan halkan ka direynaa Baaq aan ku ifineyno dhow arrimood oo kala ah;

1. Dhibaatooyinka faraha badan ee lagu hayo beelaha Surre ee ka soo jeeda degaanada Kabxanleey, Madiina, iyo Deefoow
2. Yaa inagu dhibaateynaya halkaa
3. Waa maxay sababta naloo dhibaateynayo
4 Ya ka masuul ah, oo u ah shidaal dabka halkaa ka ololaya
5. Waa maxay mowqifka beesha Surre ee ku aadan dhibaatada inalagu hayo

Beesha Surre oo horey uga daashay dowlada Soomaaliya kana rajo dhigtay dowladan ayaa waxay baaqan u direysaa;

      Dhamaan beelaha nabada jecel ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan
      Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
      Wakiilka Midowga Afrika
      Wakiilka urur Goboleedka IGAD
      Bahda Saxaafada xarumahooda kala duwan
      Dhamaan wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dowlada Itoobiya oo u fidisay gargaar bani’aadanimo maataba beesha Surre.

Dowlada walaalaha dalka Itoobiya ayaa la soo gaartay gar gaar bani’aadinimo dadka maatada
ka dib markii ay muddo dheer waxba u qaban dowlada Soomaalia.

Degaanada Kabxanleey, Madiina, iyo Deefoow ayaa ah degaano ay beeshaan degeneyd ilaa intii Xaawo iyo Aadan, iyo qaf bani’aadam ah halkaa uu ku noolaa, degaanadaas oo ah degaano ka fac weyn caasimada Gobolka Hiiraan ee Baladweyne. Degaanadan oo ah degaano beesha Surre loo yaqaan oo ay ogyihiin dhamaan shacabka Gobolka Hiiraan, Umada Soomaaliyeed dhamaantood, bulshada caalamka, marka laga reebo Beesha duulaanka iyo dulmiga ku haysa degaanadan ee ka soo duusha Bariga Baladweyne.

Beeshan ayaa waxay u geysatay degaanadan bur bur dhan walba leh, dadka halkaa degen oo laga bara kiciyey, degaanadii oo wixii dalag iyo duunyaba ahaa dab la qabadsiiyey, iyo in weli lagu hayo duulaan iyo gardarro joogta ah dadka iyo degaanadaba.

Beeshan duulaanka ku ah degaanadan ayaa dhinacna ka hesha dowlada Soomaaliya, AMISOM, iyo Bulshada caalamka intaba dhaqaale, hub, mashruucyo samafal oo ay intaba si aan leex leexad laheyn ugu isticmaalaan danaheeda gaarka ah, sida, dhulboobka iyo isir sifeynta ay ku hayaan beelaha Surre oo Ab iyo Isir ka soo jeeda Kabxanleey, Madiina, iyo Deefoow. Dhanka kale beesha duulaanka kuah shacabka beeraleyda halkaa ku dhaqan ayaa ka hortimaada qorshe walba oo nabadeed, halka ay si xoog leh uga hor timid wafdigii heerka wasiir ee Dowladii Abdiweli Sheikh Ahmed, kuna hanjabeen in cidii halkaa timaada ay talaabo ka qaadi, iyo
weliba ay xitaa ciidamada AMISOM-Jabuuti oo rondo ku sameynayey degaanada dagaalada ka dhacaan xabado ay ku fureen.

Sababta ay beesha Bariga Baladweyne intaa u sameyn ayaa ah in ay iska dhaadhicisay in iyagoo ka jaanqaadaya nidaamka federalisim’ka, ay gobolka iyaga leeyihiin, waxay doonaana ka yeeli karaan, haba ugu darnaato isir sifeynta iyo degaanada la gubo ay mar walba ku sameeyaan Kabxanleey, Madiina, iyo Deefoow. Taasi waxaa sii dheer in beeshan cadeysatay dulmiga iyo xad gudubka bani’aadanimo ay ku hayaan beelaha beeraleyda, ay garab ka helaan madaxweyne Hassan Sheikh, oo ahaa shaqsigii is hortaagay wafdigii heerka wasiir ee loo xil saaray qorshaha nabadeynta degaanada dirirtu ay ka socoto.

Haddaba waa maxay sababta loo dhibaateyn shacabka ka soo jeeda degaanadan?
Beesha Surre-Dir oo degen degaanadaa ayaa ah dad beeraleey ah, culumada gobolka oo ka tirsan Ahlu Sunna Wal Jamaaca. Ahlu Sunna ayaa ah urur diimeed dalka ka jira, kana fog arrimaha xag jirka, marnaba aanan dhibaateyn dad shacab ah dalka gudahiisa ama wadamada deriska inala ah. Ahlu Sunna waxay xiriir fiican la leeyihiin dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay degaanada ay ku dhaqan yihiin xuduud la wadaagta.

Beelaha Surre ayaa qeyb ka ahaa, safka horeyna ugu jiray halgankii looga xoreeyey Al-Shabaab caasimada Muqdisho, halkaas oo uu general Cabdikariin Yuusuf Dhaga badan oo ahaa shaqsi ka soo jeeda beeshan, ahaa abaanduulihii hayey hogaanka ciidanka qaranka Soomaaliyeed oo si daacadnimo iyo geesinimo u fushay shaqadii ugu cusleyd oo aheyd in Al-Shabaab looga xoreeyo caasimada.

Ma jireen beelo kale oo Soomaaliyeed oo dhibaato ka tabanaya Beesha Surre intii dagaalada sokeeye ay ka socdeeno dalka Soomaaliya.

Halgankii Al-Shabaab looga xoreeyey Muqdisho waxaa xigay in Jeneral Dhaga badan laga qaado abaanduulihii ciidamada xooga dalka Soomaliya.

Taas waxaa xigtay in duulaan, isir sifeyn, degaano la gubo, iyo barakac baahsan ay ka bilaabato degaano ay ku dhaqan yihiin beelaha Surre Dir (Hiiraan) iyo Beelaha Biyamaal Dir (Sh. Hoose).

Waxaa duulaanka lagu ahaa degaanadaa si toos ah uga qeyb qaadanayey ciidamada qaranka soomaaliyeed, oo guutooyin iyo gaasas kala duwan leh, warbixin dheeraad oo ku saabsan arrimahan oo English ku qoran halkan ka aqriso Newly Trained Somali Armed Forces Spearhead Atrocities in Hiiraan and Lower Shabelle

Haddaba, beesha caalamka (International Community) waxaan u sheegeynaa in kabxanley iyo deefow maatidooda ay muddo ka badan 2 sannadood ay ku nool yihiin Killinka Shanaad, iyagoo wax gar gaar ah haba yaraatee aysan ka helin dowlada Soomaaliya, xag caafimaad, xag samafal, xag bani’aadinimo, xag nafaqo, halkaas oo ay tiro aan la soo koobi karin oo caruur iyo waayeel ay u geeriyoodeen, macluul, gaajo, malaaryo, qorax, iyo dabeyl iyo nafaqo daro. Dowlada Itoobiya ayaa u soo gurmatay dadkaa soomaaliyeed oo aysan jirin dowlad ka difaacda isir sifeynta lagu hayo, isla mar ahaantaana u fidisa gar gaar deg deg oo bini’aadinimo.

Xaalada ugu danbeysa ee degaanada Kabxanleey iyo Deefoow ayaa ah in Kabxanleey laga bara kiciyey dadkii halkaa, lana gubay degaankii muddo laga joogo in ka badan labo sanno, Deefoow markii labaad ayaa la gubay bilowgii sannadkan 2015. Waxaa hadda isa soo taraya warar ah in duulaanka Deefoow lagu soo qaaday ay ku mideysan yihiin maamulka Gobolka Hiiraan, ciidan beeleed iyo weliba ciidama daacad u ah Al-Shabaab oo ka soo jeeda Bariga Baladweyne.

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh ayaa u taageersan si hiil iyo hooba ah Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka wada isir sifeyn (ethnic cleansing) degaanada Kabxanleey iyo Deefow. Madaxweynaha ayaa si qaas ah isu hortaagay in maamul wasiira ah ay howshan si dhab ah u galaan, xalkeedana iyadoo la marayo nidaam dowladeed la soo dhameeyo. Madaxweyne Hassan Sheikh wuxuu si toos ah u taageeray Beesha Bariga Baladweyne degen oo ka soo horjeesatay in laga hor istaago qorshaha guracan ee isir sifeynt ay halkaa ka wada iyo qorshaha nabadeynta ay wadeen wasiirada

Madaxeynaha Soomaaliya Hassan Sheikh oo si ka fiirsasho la’aan u taageeray maamul Gobolka Hiiraan oo hal beel ah, maantana ay beeshan hantidii, hubkii qaranka, xarumaha caafimaad ee dowliga intaba u adeegsan dagaal sokeeye oo gardara ah iyo isir sifern ay ku hayaan beelaha dega Kabxanleey iyo Deefow.

Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa taageersan maamulka Gobolka Hiiraan oo maanta ku qabsaday Deefow ciidan ka kooban
– Kuwa qaranka (hal beel ka soo jeeda)
– Al-shabaab
– ciidan beeleed

Alshabaab-Deefow

Boqashadii-Gudoomiya Hiiraan-Deefoow

Waxaa wax laga xumaada ah in Madaxweyne Soomaaliyeed oo dadka u dhaxeeya uu garab u noqdo, taageero siiyo maamul isir sifeyn ku haya shacab soomaaliyeed, gacan saarna la leh Al Shabaab, xasilooni darina ka abuuray Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degaanada u dhaxeeya Bariga Baladweyne ilaa xuduuda Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayey saameyn ku yeelatay maalmahan danbe markii ay ciidamada ay u adeegsan Maamulka Gobolka Hiiraan dhulboobka oo ay qeyb ka yihiin Al Shabaab ay weerareen ciidamada New Police’ka ku sugan Kilinka Shanaad iyo xuduuda Itoobiya.

Haddaba waa maxay mowqifka Beesha Surre ee ka soo jeeda degaanada la dhibaateyn

Beesha Surre waxaa maanta diyaar u ah ciidan ku filan inay ka hortagaan ciidamada maamulka Hiiraan iyo xulufadooda Al Shabaab oo halis ku ah nabada iyo xasiloonida Gobolka iyo wadanka deriska inala ah ee Itoobiya.

Beesha Surre ayaa xiriirka u jartay gebi ahaan Dowlada Hassan Sheikh, wax wada shaqeyn’a aanu la yeelan doonin ilaa dowladan ay beri ka ahaato qorshaha isir sifeynta lagu hayo beelaha Surre ee ku dhaqan Kabxanley iyo Deefow, iyo weliba inay joojiso dowladan garabka ay siin maamulka gobolka hiiraan iyo Al Shabaab oo ka wada halkaa isir sifeyn.

Beesha Surre ayaa diyaar u ah inay la shaqeyso dhamaan beelaha soomaaliyeed ee nabada jecel,
doonaya in Gobolka loogu wada noolaado si nabad ah, oo aan leysku xad gudbeyn, deris wanaagana la dhowro.

Beesha Surre ayaa diyaar u ah inay wada shaqeyn la yeelato dhamaan maamulada iyo dowladaha deriska (Itoobiya)oo ay arrintan xasilooni darada wada saameysay, diyaarna u tahay beeshan in gacan bir ah lagu qabto cid alaale cidii halis ku ah jiritaanka iyo nabada shacabka ku dhaqan gaar ahaan degaanada dhibka ka jira, iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan.

Beesha Surre ayaa waxay ka codsan shacabka nabada jecel ee gobolka iyo Dowlada Itoobiya inay gacan ku siiyaan in la nabadeeyo degaanada u dhaxeeya Itoobiya ilaa Bariga Baladweyne, loogana saaro degaanadaa ciidankaqaran ku sheega, ciidan beeleedka iyo Al Shabaabka degey halkaa, halisna ku ah xasiloonida Gobolka iyo dalka deriska nala ah ee Itoobiya.

Qoraalkan waxaa soo diyaariyey Maamulka Degmada Kabxanleey iyo Deefow

cowslafil.com

Be the first to comment on "Baaq ay soo saareen beelaha Surre ee Kabxanleey iyo Deefoow"

Leave a comment

Your email address will not be published.