BEESHA Bariga Baladweyne OO NIYAD JAB IYO JIIF LA,AAN KU DHACDAY MARKEY MAQLEEN HUGAN GAADIIDKA DAGAALKA EE BEESHA SURRE

BEESHA Bariga Baladweyne OO NIYAD JAB IYO JIIF LA,AAN KU DHACDAY MARKEY MAQLEEN HUGAN GAADIIDKA DAGAALKA EE BEESHA SURRE

Waxaa isa soo taraya baqdinta iyo jiif la,aanta ku dhacdey ciidamadii beesha xawaadle oo ay dhinac socdaan ciidamo DFS oo gacan siinaya beesha xawaadle, ka dib markii ay ka seexan waayeen Guuxa iyo sawaxanka ciidamada beesha surre iyo gaadiidkooda dagaalka niyad jabna iyo hurdo la’aana ka qaadeen dhalinyarada lasoo qalday ee ku soo duulay Deefow iyo Kabxanleey.

Waxaa wararka hadda na soo gaarayo ay sheegayaan inn ciidamadaas beesha xawaadle ee joogay halkaas ay bilaabeen dhuumasho raxan raxan uga dhuuntaan dagaalkaas hubkoodiina ay dhulka ku aaseen si ay uga badbaadaan dagaal saf balaaran oo ku soo wajahan degaanada Deefow iyo Kabxabley, halkaas oo ay ciidamada xaq u dirirka beelaha Deefow iyo Kabxanley ay ku soo wajahan yihiin guryahooda iyo beerahooda.

Haddaba wararka kale ayaa sheegaya in markii arinkaas ay maqleen ayaa waxaa si deg deg ah shalay loo soo xirey cidamo tababar ku qaadanayay hiiraan oo ah booliis isla markaasna huwan shaatiga beesha Bariga Baladweyne si lagu soo biiriyo ciidamadaas dagaalka oo uu amar ku bixiyay gudoomiyaha gobolka hiiraan in ay ka qeyb galan dagaalkaas balse sida aan wararka ka heleyno Gobolka hiiraan ayaa sheegaya in gudoomiyihii lagu gacan seeray lana yiri anaga dagaal gardara ah iyo dad dhulkooda iyo guryahooda u soo socda la dagaalami meyno wax xaq daro ahna kuugu gacan siin mayno.

Waxaa kaloo isa soo taraya in Gudoomiya Gobolka uu ku andacoonayo in dagaalka nagula jiraan somaliland,Puntland, ahlasuno, Ciidamada New Booliis ee wadanka Itoobiya Balse waxaa ka lunsan in ciidamada itoobiya in ay joogaan hiiraan iyaga oo ka tirsan AMISOM oo ay ilaalinayaan xasiloonida Gobolka, isla mar ahaantaana ay ku baaqeen in colaada la soo afjaro, beesha duulaanka ahna ay ka baxdo degaanada Deefow iyo Kabxanley, arrintaas oo ay ku gacan seereen dulmi wadayaasha ku soo duulay degaanadaas.

Waxaa kaloo la soo sheegay in gudoomiyihii uu xaley hurdo la,aan ku dhacdey isla markaasna beeshii Bariga Baladweyne dhexdoodii ay kala jabeen, iyaga oo ka hadlaya intii hore dhimasho iyo dhaawac ay ugu filan tahay waxii hadda ka danbeeyo aysan tabar u heyn dagaal sokeeye iyo dulmi joogta ah.

Dagaalkan oo marba markii ka danbeysa sii xoogeysan, ciidamo gurmad iyo hub fara badan oo tekniko ahna la soo gelin dagaalka ayaa waxaad moodaa inuu faraha ka sii baxayo oo haddii xal loo helin dhimasho iyo bur bur dheereed ah u horseedi doono guud ahaan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degaanada lagu dagaalamay iyo weliba degaano cusub oo uu dagaalka ku fiday, kuna fidi doono. Xalka dagaalka ayaa ah in deris wanaaga la dhowro beelaha duulaanka ah ee ka soo duula Bariga Baladweyne ay joojiyaan dulmiga iyo colaada ay halkaa ka hurin, markaa ka dib waa macquul in nabad iyo jawi xasilooni halkaa laga abuuro.

cowslafil.com

2 Comments on "BEESHA Bariga Baladweyne OO NIYAD JAB IYO JIIF LA,AAN KU DHACDAY MARKEY MAQLEEN HUGAN GAADIIDKA DAGAALKA EE BEESHA SURRE"

  1. Shir in muddo ah uga socday Qowmiyadda Dir ee dalka Koofurta Afrika ayaa la soo gabagabeeyey 18 bishii dhamaatay ee January 2015 iyadoo ay ka soo baxeen goaano muhiim ah.

    Qowmiyadda Dir ee dalkaan ayaa samaystay hogaan cusub oo taariikhi ah kadib 5 bilood oo shir looga arinsanayey aayaha Qowmiyadda ee dalka Koofur Africa ku soo dhamaaday doorashada Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo Doorashada Guddoomiyaha Golaha fulinta iyo weliba dhismnaha Hay’ad nidaami ah oo lagu dhisay dalkan koofur Africa.

    Shirkaan oo ay u dhamaayeen Beelaha Qowmiyadda Dir meel kasto ay deegaan ahaan ka soo jeedaan sida: Jabuuti, Soomaaliland, Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya, Waxaa lagu dhisay Hay’ad Caalimi ah oo la yiraahdo ADOSA( ADAL DIR ORGANIZARTION) .
    Taasoo u doodi doonta danaha Qowmiyadda meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibadba iyadoo aan u fiirinayn xuduud iyo dalka ay ku nool yihiin .
    Kuna hogaamin doonta danta guud ee Qowmiyadda Dir islamarkaasna si buuxda u aqoonsanayso deegaanada iyo danaha Qowmiyadda Dir guud ahaan.

    Shirkaan oo ka dhacay 18/01/2015 magalaada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika ayaa waxaa kala soo qayb galay xafladda caleema saarka labada Guddoomiye iyo dhismaha Hay’addan ADOSA odoyaasha, aqoon yahanka, iyo waxgaradka Bulshada Soomaaliyeed ku dhaqan Koofur Africa.
    Iyadoo Baaq middaysan laga soo saaray oo ku wajahan Deegaanada Qowmiyadda degto ee dagaaladu ka jiraan in si sharuud la’aan ah lagu joojiyo isla markaana dowladda Soomaaliya si gaar ah loogu canaantay kaalinta ay ku leedahay dagaalada ka jira deegaanada Hiiraan iyo shabeelaha hoose.

    Wixii faahfaahin ah oo intaa dheer waxaa lagala xiriiri karaa ADOSA.
    Guddoomiyaha Guurtida: Sh Siciid Xasan Maxamed: +27613307428/27849720033

    Email: adosaorg@gmail.com
    Facebook: adosaorg
    FG> Sawirada waxaad ka eegtaa faceboogga Qowmiyadda oo ah: adosaorg ama youtube-ka adosaorg
    Websiteka soo galiya iyo kuwa kale ee aad garanaysidba
    Mahadsanid

  2. INsha alaah wanu gulaysan doonaa cadowgana wuuhabi bi idnilahi kariim

Leave a comment

Your email address will not be published.