Dagaaladii Ugu Balaarnaa Abid ka dhaca Gobolka Hiiraan oo Maanta Dhacay Walina Socda(Warbixin)

Xigasho shabakada wararka caalamiga ee deefow.com

Dagaaladii Ugu Balaarnaa Abid ka dhaca Gobolka Hiiraan oo Maanta Dhacay Walina Socda(Warbixin)

Maxaa dhacay Subaxnimadii Maanta.

Subaxnimadii Maanta ayaa Ciidamada Kabxanleey iy Deefoow isu Qaybiyeen Dhowr Jiho oo kala ah Deefoow,Xuduwagle iyo Maxamuud Gacal ayagoo Xeerinaaya in Meel walba ay banaan tahay in uu Dagaalku Gaaro.

Xuduwagle iyo Maxamuud Gacal Gacanta ayaa lagu Dhigay Waxeeyna Maleeshiyada Bariga Baladweeyne iyo Ciidamada Dawlada kaga Carareen Shan iyo Labaatan Meeyd ah oo ilaa iyo hada Goobtaas yaala, Waxaana Looga Qabsaday Saanad Milarati oo aan dib idiinka Soo sheegi doono.

Deefoow waxaa Goobtaasna Ka dhacay Dagaal aad u culus Ciidamada Deegaankuna waxeey u galeen Gudaha waxeeyna Goobtaas kaga Talaabsadeen Maydad Gaaraya ilaa Kow iyo Toban ayagaa Goobtaas ka baqa Carareen Ciidamadii Horay u joogay waxeeyna Soo qaadeen Dagaal Rogaal Celis ah.

Goobtaasna Waxaa sidoo kale looga Qabsaday Saanad Milatari waxaana Looga Gubay Mid kamid ah Gawaarida Qoryaha Xanbaara, Waqtigan Xaadirka ahna Waxaa socda Dagaal aad u qaraar.

Dhaawacyo Badan ayaa la geeyay Magaalada Baladweeyne waxaana aad u Mashquulsan Isbitaalka Weeyn ee Bariga Baladweene inkastoo aynaan wali Helin Qasaaraha Baaxada Weeyn ee Gaaray Ciidamada Bariga Baladweeyne Inta aan kor kusoo Xusnay waa inta ay heshay Warbaahinta deefoow.com.

Maxaa ka Jira in Beesha Surre ay wehliyaan Kooxo Kale.

Ma aha Markii ugu horeeysay oo ay Beesha bariga Baladweeyne tiraahdo Surre waa lagu wehliyaa dagaalka oo Dagaalkii kan ka horeeyay waxeey Sheegeen in ay ku Jiraan Kooxo badan oo aan dagaal ku Midoobi karin Sidsa Allshabaab, Ubbo, Somaliland iyo Kooxo kale,

Hadana waxeey Sheegeen in ay dagaalka ku jiraan Itoobiya ,Puntland, Somaliland iyo Ahlusuna Wal jameeca Waxeeyna Sheegashadaan ku qarinayaan jabka Baaxada leh ee soo gaaray iyo Taageerada Milatari iyo Dhaqaale oo ay ka helaan Dawlada Federaalka Soomaaliya Waana Dacaayad Raqiis ah oo aaneey ka Xishooneeyn Beenta Qaawan oo ay Caadeeysteen.

Isha Ku haay Mar walba deefoow.com si aad ugu Xaqab beesho Xaalladaha Dagaalka iyo hadba Sideey wax u dhacaan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaaladii Ugu Balaarnaa Abid ka dhaca Gobolka Hiiraan oo Maanta Dhacay Walina Socda(Warbixin)"

Leave a comment

Your email address will not be published.