Wararkii ugu danbeeyey ee Dagaalkii ka dhacey saakay aroortii hore degaanka Deefow oo ugu danbeyntii u gacan galaya dadka degaanka

Wararkii ugu danbeeyey ee Dagaalkii ka dhacey saakay aroortii hore degaanka Deefow oo ugu danbeyntii u gacan galaya dadka degaanka

Wararka ugudanbeeya ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyadka Ku heybta ah Maamulka Gobolka hiiraan lagala wareegay deegaanka Deefow oo saaka aroortii uu dagaal culus ka dhacay.

Dhinacii maalmahaan guryahooda dibad jooga ka ahaa ayaa lagu soo waramayaa iminkan in gudaha deefow ay galeen.

Dagaalada ka dhacaya deegaamada deefow,kulaala iyo kabxanleey ayaa salka ku haya muran la xiriira dhanka maamulka ah,dadka deegaanka ayaa sheegay in la doonayo in beerahooda iyo dhulkooda lala wareego,waxa ayna dagaalada ku eedeyeen maamulka gobolka hiiraan oo aanay ukala harin dagaalka isla markaana ay qeyb ka qaadanayaan gaadiidkii ciidanka dowlada federaalka somaaliya.

Rasaas goos goos ah ayaa hada socota maleeshiyadii maalmahaan xooga ku joogay deegaanka deefow ayaa saaka wajiga aadiyay magaalada beledweyne oo markoodii hore ay ka soo duulaan tageen.

Lama oga xaalka deegaanada dagaaladu ay ka dhaceen waxa uu ku dambeyn doono, lama soo sheegin ilaa iminka qasaaraha kala gaaray labada maleeshiyo beeleed,ee dagaalamay.

Horay waxaa jirta in la gubaya dhowr guri oo ay daganaayeen dad shacab ah kuwaa oo ay gubeen maleeshiyada ku heybta ah maamulka gobolka hiiraan isla markaana taageero ka helaya qeybaha kala duwan ciidanka dowlada federaalka ee ka howlgala gobolka hiiraan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wararkii ugu danbeeyey ee Dagaalkii ka dhacey saakay aroortii hore degaanka Deefow oo ugu danbeyntii u gacan galaya dadka degaanka"

Leave a comment

Your email address will not be published.