Bariga Baladweyne oo bandow la saaray iyo dagaal xoogan oo weli ka socda Kabxanleey iyo Deefow

Bariga Baladweyne oo bandow la saaray iyo dagaal xoogan oo weli ka socda Kabxanleey iyo Deefow

Xaalada Bariga Baladweyne oo maanta aad u kacsan oo ay soo saameysay dagaal aad u culus oo saakay ka bilowday degaankada Kabxanleey, Deefow, Xuduwagle, iyo Maxamuud Gacal.
Dagaalkan oo ka duwan dagaaladii horey ugu dhacay halkaa ka dib markii ay hubka cul culus iyo tekniko labada dhinac ay soo geliyeen dagaalka.

Dagaalkii saakay ka bilowday Xuduwagle, iyo Maxamuud Gacal ayaa looga itaal roonaaday maleeshiyada ka soo duushay Bariga Baladweyne qasaare naf iyo saanad Miletery looga furtay una soo carareen dhanka Bariga Baladweyne iyo Deefow.

Wararka inaga soo gaaray degaanka Deefow ayaa sheegaya in dagaalo qaraar ay halkaa maanta ka dhaceen welina ay ka socdaan halka ciidan aad u fara baran iyo tekniko intaba ay dagaalka ka qeyb qaadan, welina aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay halkaa, balse la xaqiijiyey in Beesha Barriga Baladweyne looga dilay ilaa 11 qofood dagaalkii maanta ka dhacay Deefow, dagaal rogaal celisna ay soo qaadaan iyo ay dib ugu soo noqdeen Deefow, caawa salaadii maqrib ka dibna markale ay ciidamada degaanka Kabxanley iyo Deefow ay dagaal saf balaaran iyo tekniko lagu garaacay maleeshiyada ka soo duushay Bariga Baladweyne loogana saaray degaanka Deefow dhanka qorax sinka (Galbeedka), oo ay beesha Bariga baladweyne loo riixay oo ay isugu tageen dhanka bariga.

Ciidamada ka soo duula barriga Baladweyne oo garab ka heli maamulka gobolka iyo ciidanka qaranka oo dhamaantood ku heyb ah beesha Bariga Baladweyne ayaa waxay duulan iyo dulmi ku hayeen shacabka Kabxanleey iyo Deefow, maalmihii ugu danbeeyeyna ay dagaal dulmi iyo gardarro ah ku qaadeen ciidanka itoobiya oo halkaa u joogay nabadeyn, iyo weliba beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanka Abaaleey.

Beesha Bariga Baladweyne ayaa qalqal iyo xasilooni daro ka abuurtay dhamaan degaanada u dhaxeeya bariga baladweyne iyo xadka Itoobiya halkaas oo ay marna ku xabadeeyeen AMISOM (ciidanka Jabuti), Ciidamada Itoobiya, Shacabka reer Kabxanleey, Madiina, Deefow, iyo iyagoo hadda xad gudubka iyo dulmiga ay ku hayaan beelaha soomaaliyeed ee halkaa degen uu gaaray ilaa xadka itoobiye iyo beelaha Soomaaliyeed ee nabada jecel ee ku dhaqan degaanka Abaaleey.

Weli waxaa socda dagaal labada dhinac aan waxba leysku reeban wixii qasaara ah oo ka soo kordhaa dib ayaan idiinkala soo socodsiin.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Bariga Baladweyne oo bandow la saaray iyo dagaal xoogan oo weli ka socda Kabxanleey iyo Deefow"

Leave a comment

Your email address will not be published.