Gobolka Hiiraan oo uu ka jiro Argagax iyo Ciidamada Kabxanleey iyo Deefoow oo si weeyn isu soo Abaabulay.

Gobolka Hiiraan oo uu ka jiro Argagax iyo Ciidamada Kabxanleey iyo Deefoow oo si weeyn isu soo Abaabulay.

Magaalada Baladweeyne barigeeda ayaa Wararka naga soo gaarayo waxeey sheegayaan in uu ka jiro argagax weeyn kadib markii ay abaabul weeyn ay sameeyeen Ciidamada deegaanka Kabxanleey iyo Deefoow

Wararka waxeey intaas ku darayaan in Maleeshiyada Bariga Baladweeyne iyo Ciidamada Dawlada lasoo dhoobay aaga Dagaalka waqti walbana waxaa dhici karta in ay xabadu bilaabato Beesha Bariga oo ay kalsoonidii ka dhuntay ayaa bilaabay dacaayad ah in beelo badan ay isa soo biirsadeen isla markaasna ay dagaalka ku jirto Dawlada Itoobiya.

Halkan ka daawo sawiro beesha bariga Baladweyne oo dagaal gardaro ah iyo guryo iyaga aysan la heyn raba inay xalaashadaan:

deefow_jan_2015

deefow_jan_2015_01

deefow_jan_2015_02

deefow_jan_2015_03

Beesha bariga Baladweyne degta ayaa muddo labo sanno ka badan ka abuuray gobolka xasilooni darro, kana wada halkaa howlo isir sifeyn, argagixisonimo, iyo degaano la gubo oo aysan Soomalida dhaqan u laheyn. Beeshan ayaa waxay halis ku noqotay xasiloonida gobolka Hiiraan iyo dalka deriska nala ah ee Itoobiya ka dib markii ay doraato weerar ku qaadeen ciidama dalka Itoobiya oo halkaa u jooga inay abuuraan jawi nabadeed iyo xasilooni.

Beesha bariga Baladweyne oo ay u muuqdaan Ciidamada Deefoow iyo Kabxanleey ayaa u bareeri waayay in ay weeraraan taas badalkeedana waxeey maalin dhoweyd weerareen Ciidamo ka tirsan Dawlada Itoobiya,

wel welka ugu badan ee heesta Beesha Bariga Baladweeyne ayaa lagu sheegay ayagoo aad ugu Riiqmay Dagaaladii hore oo ay la galeen Reer Kabxanleey iyo Deefoow isla Markaana ay Jab weeyn kala kulmeen markana ay ku soo wajahan yihiin ciidamada xaq u dirirka beelaha Kabxanley iyo Deefow oo ay ka go’an tahay in la xakameeyo beel ku xad gudubtay dadka iyo degaanada Kabxanleey iyo Deefow.

Waxaa ay dan ugu jirtaa xakameynta beesha bariga Baladweyne dhamaan shacabka Gobolka Hiiraan iyo dalalka deriska inala ah ee daneynaya xasiloonada geeska Afrika.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gobolka Hiiraan oo uu ka jiro Argagax iyo Ciidamada Kabxanleey iyo Deefoow oo si weeyn isu soo Abaabulay."

Leave a comment

Your email address will not be published.