Xog:Maxaa sabab u ah naflacaarimada ka muuqata Hawiye iyo wadooyinka u furan

Xog:Maxaa sabab u ah naflacaarimada ka muuqata Hawiye iyo wadooyinka u furan

Run ahaatii dhul-gariir siyaasadeed oo aysan fileyn ayaa ku dhacay Kooxda Axmed Diiriye iyo Xaad ama Hawiye, kaas oo si cad looga dheehan karo hab dhaqankooda maalmihii ugu dambeeyay.

Dhul-gariirka siyaasadeed ee ku dhacay kooxda Axmed Diiriye iyo Xaad ayaa soo bilowday markii dowladda soomaliya ay aqoonsatay Maamulka Jubbaland laakiin waxa uu meesha ugu sareeyo gaaray markii ay ogaadeen in dowladda aqoonsan doonto maamulka Koonfur galbeed ee 3 gobol ka kooban.

Tan iyo markii dowladda aqoonsatay maamulka Seddexda gobol waxaa markiiba isku dhexyaac iyo jahwareer galay dhamaan kuwa horbooda beelaha Muqdisho,ha ahaadeen siyaasiyiin, ganacsato, odaydhaqameed iyo warbaahin.

Waxaad arkeysaa in ay leeyihiin wasiiradeeni ayaa go’aan ku gaarnay in aysan golaha wasiirada fariisan, hadana waxaad maqleysaa iyagoo leh way ku noqonayaan howshooda, siyaasiyiintooda iyo odaydhaqameedkooda ayaad arkeysaa oo warbaahinta ka caytamaaya sida Axmed Diiriye oo aflagaado aan geed loogu soo gaban u geystay beelaha Banaadiriga iyo beesha Biimaal.

Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa sabab u ah dhaqanada iyo siyaasadaha naflacaarinimada ah ee ka muuqata kooxda Axmed Diiriye iyo Xaad?

Warar aan aad ugu kalsoonahay oo aan ka helnay qaar ka mid ah siyaasiyiinta soomaliyeed ee ka agdhow, kushiinka ama madbakha lagu soo kariyo siyaasada soomaliya ayaa noo xaqiijiyay in bulshada caalamka ay go’aan cad ku gaartay in si 2016 kadib loo helo dowlad soomalida oo dhan isku raacsan tahay ay tahay in gobolada Soomaliya loo qeybiyo 4 maamul goboleed oo kala ah:

  1.  Puntland
  2. Jubbaland
  3. Koonfur galbeed oo ka kooban Bay, Bakool iyo Sh.Hoose
  4. maamul goboleedka Gobolada dhexe oo ka kooban Shabellada dhexe, Hiiraan iyo galgaduud
  • Magaalada Muqdisho waxa loo aqoonsaday in ay maqaam gooni ah yeelato.
  • Gobolka Mudug qeybna Puntland ayey raacsan tahay, qeybta soo hartayna goblada dhexe ayey raaceysa.

Go’aankan waxa uu ahaa mid xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdi weli iyo Bulshada caalamka ay isla gaareen,a, kaas oo aysan mabda’ ahaan cidna diidin karin laakiin tafaasiishiisa kaliya laga doodi karo, Madaxweynaha soomaliya iyo dhamaan qeybaha kala gedisan ee soomalidana ay ku qasaban yihiin in ay aqbalaan shaxdaas loo qeybiyay maamul gobleedyada, waxaana taas daliil cad u ah in AMISOM, safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo IGAD ay soo dhaweeyeen aqoonsigii maamulka 3-da gobol.

Haddaba, kooxda Xaad iyo Diiriye ee lagu yaqaano in aysan dowladnimo rabin, ee ay dantooda tahay dhul-balaarsi ayaa markiiba waxaa ku yeeray Wiishka, waxay marba qaadan waayeen in sidii sanado ka hor ay uga quusteen gobolada jubooyinka ay haddana arkayaan iyagoo soo jeeda in ay ka quusanayaan Sh.Hoose oo ay beeshooda isugu soo hareyso gobolada ay sida saxda ah u degaan ee Sh.Dhexe , Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo xitaa ay la degaan beelo kale oo tira badan oo soomaliyeed.

Shaxdan loo qeybiyay gobolada Soomaliya ayaa waxa y ka dhigan tahay mid soo afjareysa Dulmigii iyo dhul-balaarsigii ay wadeen beelaha Hawiye tan iyo markii ay dhacday dowladda Soomaliya, waana mida ka keentay in ay dhamaantood aflabadii yeeraan, xitaa kuwooda wadaniyiin in ay yihiin sheegan jiray ayaa maanta qabyaalad cad la soo baxay.

Wadooyinka ama talaabooyinka u furan Kooxda Axmed Diiriye iyo Xaad?

Waa ay cadahay in kooxdan iyo beesha ay matalaan uu xaalka ku xun yahay, oo ay soomaliya ka baxeyso afduubkii ay ku heysteen, iyaga ayeyna u taala in laba arin ay kala doortaan:

1. in ay aqbalaan waaqacan sameysmay iyo go’aanka ay bulshada caalamka iyo xukuumadda soomaliya isla gaareen, laakiin ay haddana gor gortan ka galaan waaqaca sameysmay si ay uga helaan dano siyaasadeed, ha ahaadeen kuwo ay xaq u leeyihiin ama kuwo ay xaq u lahayn, hadii ay taas aqbalaan waxaa dhaceysa in Jufooyinka beeshooda u dhashay ee Sh.hoose wax ku leh ay xuquuqdooda, helaan sida Beesha Wacdaan,(Waana maamul goboleedka kaliya ee hadda ay furan tahay in ay gorgortan ka galaan),soomaliyana ay cagta saarto wadadii nabada maamul federal ku dhisana uu soomaliya ka hirgalo, xukuumadda hadda jirta ee ay iyaga ku xoogan yihiina ay waqtigeeda si nabad ah ku dhameysato.

2. wadada kale ee u furan ayaa ah in waalidii ay 24 sano ee la soo dhaafay ay ku jireen ay weli ku sii jiraan, iskuna dayaan in go’aanada bulshada caalamka, xukuumada soomaliya  iyo beelah kale ee soomaliya kale ay ka horyimaadaan, hadii ay talaabadaas ku heshiiyaan waxaa dhaceysa in Ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan ay dhaqan geliyaan maamul goboleedyada aan kor ku soo xusay, hadii beeshan ay diido in gobolada dhexe maamul goboleed ka sameeyaan iyaga iyo beelaha la dega, ay Amisom dhaqan gelin doonto iyagoo kaashanaya beelaha dega goboladaas maamulka koonfur galbeed ee 3 gobol ka kooban, taasna waxaa xigeysa in Beesha  Axmed Diiriye iyo Xaad ay bilaabaan dagaalo, iyo in ay weeraro arbushaad ah ku qaadan Ciidamada AMISOM, si la mid ah sidii ay sameeyeen xilligii dowladii Cabdullahi Yusuf, sidaasna ay xukuumadda iyaga hadda gacanta ugu jirta ee Xasan Culusow ay iska ciideeyaan, dhaqaalah tirada badan ee Xamar ay ku heystaana ay waayaan.

Arbushaadaas ayaa ah mid aan sii socon doonin waayo xilligii Cabdullahi Yusuf iyo xilligan hadda la joogo waa kuwo kala gedisan, marka loo fiiriyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo gobolka soomaliya dhacdo, waxaana dhacaysa in sida Jubooyinka loogu qasbay kooxda Axmed Diiriye iyo Xaad in ay runta aqbalaan ay haddana aqbali doonaan.

Ciise Maxamuud

Columbus Ohio

jbiimaal@gmail.com