Wararkii ugu danbeeyey ee degaanka Deefow

Wararkii ugu danbeeyey ee degaanka Deefow

Wararka inaga soo gaaraya degaanka Deefow ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maalintii jimcaha shalay ay markale isku dayeen beelaha dhibka ka wada degaanada Deefow iyo Kabxanley in iyagoo soo gashtay shaar dowladeed ay rabeen in ay gudaha u galaan degaanka Deefow, uguna hanjabaan dadka degaanka hubka iyo shaarka ciidamada dowlada.

Arrintaas ayaa waxaa si geesinimo leh uga hortagay hogaanka iyo dhalinyarada beelaha Surre oo is hortaagay dagaal oogayaasha soo qaatay shaar dowlad oo danta ay ka leeyihiin halkaana la wada ogsoon yahay.

Dadka degaanka ayaa u sheegay qolyihii shaarka dowlada huwanaa inay kala doortaan in ay si nabad ah dib uga noqdaan halkaa, haddii kale xabad looga saari doono.

Arrintaa oo aysan filaneyn ka dib ayaa waxay isku dayeen in ay hanjabaad ama ay ku baacsadaan dadka degaanka shaarkii iyo hubkii dowlada, taasna waxaa si aanan leex leexad laheyn isu hortaagay hogaanka iyo dhalinyarada beelaha Surre ee ku sugnaa halkaa oo si geesinimo leh isu hortaagay beesha duulanka ku ah degaanada Surre oo isku qarineysa shaar dowladeed.

Uga danbeyntii dib ayey uga noqdeen. Balse xog hoose oo aanu ka heleyno Gobolka ayaa sheegaya in ay ka wadaan abaabul dagaal degaanka Baladweyne lagana yaabo in markale ay hubkii dowlada ku weerareen degaanka Deefow.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay inay ka og’an tahay inay difaaci degaanadooda, cashar lama iloobaan ahna ay siin qolyaha dulmiga wada ee isku qarin shaarka dowlada.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wararkii ugu danbeeyey ee degaanka Deefow"

Leave a comment

Your email address will not be published.