Soomali Channel Oo Looga Digay In Ay Faafiso Baraamijyo & Warar Lacag Loogu Raadsanayo Magaca Reer Kabxanley & Deefow

Soomali Channel Oo Looga Digay In Ay Faafiso Baraamijyo & Warar Lacag Loogu Raadsanayo Magaca Reer Kabxanley & Deefow Soomali Channel Oo Looga Digay In Ay Faafiso Baraamijyo & Warar Lacag Loogu Raadsanayo Magaca Reer Kabxanley & Deefow

Waxgarad iyo aqoonyahano beesha Surre ee Direed ee ka soo jeeda deegaamada Deefoow iyo Kabxanley ee Gobolka Hiiraan ayaa ku tilmaamay wax lagu yaqyaqsoodo, jawaab kululna ka bixiyay war asbuucan laga baahiyay Telefishanka SOMALI CHANNEL laantiisa Nairobi, kaasoo lagu sheegay in loogu gargaaro barakacayaal jooga magaalada baladweyne oo ka soo qaxay Deefow. Hadaba waxaan rabnaa in aan u cadeyno hayadaha caalamiga ah iyo bulshaweynta soomaaliyeed ee samatabixisa dadyowga muslimiinta ah ee tabaaleysan, in aysan jirin wax barakacayaal deegaamadeena ka soo jeeda oo jooga halkaas. Caqliga saliimka ahna ma siinayo qofna, in kuwii dilay aabahaa, gubeyna gurigaada, aad magan u noqoto ood u qaxdo. Ugaartuba waa ka carartaa waxa dila oo khatarta ku ah.

Ummada soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa in mooryaanta sameysatey barnaamijkan ay yihiin kuwii laayay shacabkii ku degenaa nabadgelyada, ayagoo uga dan lahaa inay sidaan oo kale ugu dawarsadaan. Waa dhaqamada xunxun ee islaam iyo soomaali aysan isir u lahayn, balse ay ummada barayaan kuwii xalaaleystey dhiigooda, maalkooda iyo cirdigoodaba. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan bulshoweynta soomaaliyeed ee 100% muslimka ah in arinkaas laga hortago meel walba. Waxaan wada ognahay inuu noqdey qaab ka mid ah qaabka ay burcadaasi ku sameystaan dhaqaale.

Ugu dambeyntii ayaan soo jeedinaynaa in lagu wargeliyo xaqiiqda hayadaha ay u socdaan inay dhaqaale ku weydiistaan barnaamijkan, sidoo kale ayaan leenahay, beesha ka soo duushey Beledweyne, illaahay xaqa ha idin tuso, wixiinuna ha idin deeqaan, dhul iyo dadkiisuna is huran, ayagaana isu dambeyn.

Halkan ka daawa video’ga been abuurka ee laga soo daayey Somali Channel:

cowslafil.com

Be the first to comment on "Soomali Channel Oo Looga Digay In Ay Faafiso Baraamijyo & Warar Lacag Loogu Raadsanayo Magaca Reer Kabxanley & Deefow"

Leave a comment

Your email address will not be published.