Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan:Beelaha ku dagaalamaya Deefoow iyo Kabxanleey Waa ka Xoog badan yihiin Dawlada Federaalka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan:Beelaha ku dagaalamaya Deefoow iyo Kabxanleey Waa ka Xoog badan yihiin Dawlada Federaalka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/Fataax Xassan Afrax ayaa ugu horeeyn Tan iyo Dirirtii ugu danbeeysay ee ka dhacday Gobolka Hiiraan ujeediyay baaq Beelaha ay dirirtu u dhaxeeyso ee ku dagaalamaya Deefoow iyo Kabxanleey,

C/fataax oo si weeyn loogu eedeeyay in uu kadanbeeyay Weerarkii lagu qaaday Deefoow iyo Kabxanleey ayaa Markii ugu horeeysay ka hadlay baaqna u diray Beelaha ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan in ay Colaada joojiyaan asagoo aan carabka ku dhufan qaabka colaada loo joojinaayo maadaama Beel deegaankeeda lagu wado in laga barakiciyo,

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa qiray in si weeyn looga awood badan yahay Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya isla markaana loo baahanyahay Quwad weeyn in ay soo fara galiso Colaada si Nabad waaryta deegaankaas loogu soo dabaalo,

Waxaa su,aal ka taagan tahay qaabka loogu qanci karo dawlad ka qayb qaadatay dagaal beelo u dhaxeeya isla markaana la safatay dhinac kamid ah Beelihii dagaalamay Madaxweeynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo lagu tiriyo Aabaha bara kicinta ayaa ceeb daraadeed marna ay u suura gali la,dahay in uu Afka kala furo Fashil uu muteeystay aawadeed asagoo hore u diiday in la kala dhex galo Beelahaan kalana diray Gudi ay soo mahacaabeen Golaha wasiirada,

Safar uu ku yimid Gobolka Hiiraan ayuu Madaxweeynuhu la kulmay Beel kaliya asagoo iska diiday in uu arko Beesha kale waxuuna balan qaaday in aanuu marna usoo fasaxeeyn in ay Gobolka yimaadaan Gudi ka kooban Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada kadibna waxaa biloowday weerar ay Ciidamada Dawladu garab taagan yihiin Beeshii uu madaxweeynuhu la kulmay waxaana markaas soo baxay Raadkii uu Gobolka kaga tagay Xassan Sheek Maxamuud.

cowslafil.com

1 Comment on "Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan:Beelaha ku dagaalamaya Deefoow iyo Kabxanleey Waa ka Xoog badan yihiin Dawlada Federaalka."

  1. Abgaal Iyo Xawsadle tan waxey u danbeesa baladwene Iyo Xamar
    Dir wax ma ilowna.

Leave a comment

Your email address will not be published.