Gobolka Hiiraan oo Xaalad Dagaal iyo hub Urursi uu ka Socdo iyo Deefoow iyo Kabxanleey oo laga dareemaayo Dhaqdhaqaaq Xoogan.

Gobolka Hiiraan oo Xaalad Dagaal iyo hub Urursi uu ka Socdo iyo Deefoow iyo Kabxanleey oo laga dareemaayo Dhaqdhaqaaq Xoogan.

Waraka Naga Soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay ka taagan tahay Xaalad Cabsi laga qabo in ay markale is fara saaraan Kooxihii ku dagaalamay Magaalooyinka Deefoow iyo Kabxanleey iyadoo halkaas laga dareemayo isu hub urursi balaaran,

Ciidamada DFS iyo Kooxdii ay caawinayeen ee la wareegay Gacan ku haynta Deefoow iyo Kabxanleey ayaa laga dareemayaa Baqdin aad u balaaran oo ay ka qabaan in ay dhankooda usoo ruqaansadaan Ciidamada Deegaanka Deefoow iyo Kabxanleey oo ku sugan Meel aad ugu dhow,

Waraka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in la isla dhex maraayo in ay suura gal tahay in Waqti walba ay Xabadu bilaabato, Beesha Bariga Baladweeyne oo dhalinyaro badan ay kaga dhinteen dagaalada ka socda Kabxanleey iyo Deefoow ayaa u muuqda in ay ku daaleen Dagaalada aan dhamaadka lahayn iyo Gumaca Rasaasta ka daadiyay dhiig badan,

Warar kale oo Xog ogaal ah ayaa sheegaya in Maalin walba ay sii siyaado tirada dhimashada Dagaalkii ugu danbeeyay ee Deefoow iyo Kabxanleey Geeridaas oo ku habsata Ciidamadii kusoo dhaawacmay Dagaalkaas.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa hore u qiray in Beelaha ku dagaalamaaya Deefoow iyo Kabxanleey ay ka awood badan yihiin Dawlada Federaalka Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in ay quwado kale soo fara galiyaan iyadoo ereyadaas dadka Siyaasada indha indheeya ay ku sheegeen Wal wal iyo walaac soo wajahay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

cowslafil.com

2 Comments on "Gobolka Hiiraan oo Xaalad Dagaal iyo hub Urursi uu ka Socdo iyo Deefoow iyo Kabxanleey oo laga dareemaayo Dhaqdhaqaaq Xoogan."

  1. wiil Samatalis | January 18, 2015 at 12:44 pm | Reply

    waa wax lagu qoslo waxaad soo qortay ee beenta iska daayo Beerahii Deefow iyo Kanxanley ayaan qeybsaneynaa wax idiin yaalo hiiraan majiraan ee macsalaamo

  2. Kkkkkkk war gaalo kazoo Hoos baxa ee ninkii shalay kusoo dajiyay meesha la heshii new polis wax kuu tari maayaan waa ogtahiin waxii ka raacay kaligii taliyahii hore ee bare iyo wax alle hiiraan kusoo duulay oo kaalaya la heshiiya walaalahiin inta iska daysaan gaalo kuwii ugu dumaa oo ah itopian

Leave a comment

Your email address will not be published.