URURKA UMD WUXUU BAAQ NABADEED U DIRAYAA BEELAHA KU DAGAALLAMAYA GOBOLKA MUDUG

Ururka Midnimada Direed (UMD) oo ah urur ay ku mideysanyihiin Ugaasyo, Salaadiin, Cuqaal, Aqoonyqhan, Siyaasiyiin iyo Waxgarad farabadan oo ku abtirsada beelweynta Dir ee ku kala nool dalka iyo dibeddaba, waxay baaq nabadeed u dirayaan beelaha oodwadaagta ah ee Saleebaan Cabdalle (Surre) iyo Sacad Siciid (Habar Gidir).

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”Oodi ab ka dhaw”. Waxa aad tihiin gacal iyo xigto meel wada deggan oo aan kala maarmi karin ee walaalnimadiinna ilaashada. Dagaalna wiil kuma dhasho ee wiil uun baa ku dhinta, sidaa darteed waxan idinka codsaneynaa in aad shuruud la`aan joojisaan xabbadda, aakhiradiinnana u tudhataan.

Waxan labada dhinacba ugu baaqeynaa in la joojiyo abaabulka dagaalka iyo isuhabarwacashada oo aan la sii hurinin dabka colaadda iyo dhiillada.

Wixii dhib ah ee kala gaadhay labada dhinac ha lagu dhammeeyo nabad iyo wada hadal ay iska xilsaaraan madaxda dhaqanka, culimada, aqoonyahanka iyo waxgaradka labada dhinac, iyo waliba kuwa ka soo jeeda beelaha kale ee degaanka ku nool.

Sidaas si la mid ah dawladda federaalka Soomaaliya waa in ay degdeg waajibkeeda ugu gudataa oo u gurmataa nabadeynta iyo xasilinta colaadda ka aloosan degaanka Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug. Ugu dameyntii waxan Allaha swt uga rajeyneynaa intii ku dhimatay dagaalladaas in uu u naxariisto, intii ku dhaawacantayna uu u boogadhayo. Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh.

07.12.2019
Guddoomiyaha UMD
Ibraahim Cali Aaden

Be the first to comment on "URURKA UMD WUXUU BAAQ NABADEED U DIRAYAA BEELAHA KU DAGAALLAMAYA GOBOLKA MUDUG"

Leave a comment

Your email address will not be published.