Degaalo dad deris iyo oodwadaag ah oo ka dhacay degaano ka tirsan Degmada Towfiiq (Mudug)

Waxaa dhowaan ka dhacay dagaal dad soomaaliyeed oo oodwadaag ah ku dhex maray degaano ka tirsan degmaada Towfiiq ee ku taal Gobolka Mudug, kana tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

Dagaalkan oo u dhaxeeyo jufooyin ka soo kala jeedo Samatar Muuse (Dabac iyo Agoon) iyo Sacad (reer nimcaale).

Beelahan Soomaaliyeed ee wada degan magaalada Gaalkacyo, halka Samatar Muuse dhanka Towfiiq – Puntland ay degen yihiin, Sacad reer Nimcaale iyagana Galmudug, ayaa waxaa in muda ahba jiray isku dhac colaado aanan xal dhameystiran laga gaarin, oo mudooyinkii ugu danbeeyey isu bedelay in si gaadmo ah dad aanan waxba galabsan loo dilo aano qabiil iyo arrimo la xiriira colaadaha aanan xalka loo helin.

Haddaba Beelaha Samatar Muuse ee Agoon iyo Dabac oo ka soo jeeda beesha Surre ee degaanka ku ah Mudug iyo Galgaduud intaba, oo la soo xiriiray shabakada Cowslafil.com ayaa waxaa ay iyaga dhankooda sheegeen in ka dib markii ay ku soo noqnoqotay dilalka gaadmada ah ee loo geysan shacabkooda, ay sabab u tahay in uu dhaco dagaal dad badani ay ku nafwaayeen maalin dhoweyd. Beelaha Samatar Muuse oo sheegay in iyaga dhankooda ay weli difaac uga jiraan degaanadooda, ayna diyaar u yihiin inay iska difaacaan duulaan iyo dilalka qorsheysan oo uga iman dhanka ay dirirtu ka dhaxeyso.

Waxaan Ilaaheey (swt) uga baryeynaa nabad dadkaa Soomaaliyeed ee oodwadaagta, intii ka dhimatay labada dhinacna samir iyo iimaan Allaha inaga siiyo dhamaanteed, inta dhaawaca ahna Illaahey ha u boogadhayo.

Waxaan ka codsan dadka Soomaaliyeed ee deriska la ah labadan beelood, maamulada halkaa ka jira, iyo weliba nabadoonada iyo hogaanka dhaqanka ee nabada u ehelka ah ay u gurmadaan sidii loo heli lahaa xabad joojin deg deg, loona soo afjari lahaa colaadan dheeraatay oo ay ku baxeen dad badan oo Islaam iyo Soomaali ah.

Wixii ka soo kordha arrimahan dib ayaan idiinkala soo socodsiin Insha Allaah.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Degaalo dad deris iyo oodwadaag ah oo ka dhacay degaano ka tirsan Degmada Towfiiq (Mudug)"

Leave a comment

Your email address will not be published.