Dumarkii soomaaliyeed ee si nabad ugu banaabaxay degaanka Kismaayo oo xornimadooda dib u helay

Waxaa ina soo gaaraya warar sheegaya in dumarkii soomaaliyeed ee iyagoo si nabad ah ugu banaanbaxaya bartamaha magaalada kismaayo, xadgudub iyo xarig aysan muteysan loogu geystay halkaa, ay galabta xornimadooda dib u hanteen, halka ay dumarkaa geesiyada ah mowqifkooda ahaa inay cod dheer ku banaanbaxaan inta laga soo deyn wiilashooda iyo odayaasha birmageydada ah ee sida xaq darada ah loogu xiray dhawaan xabsiga magaalada KISMAAYO.

Halkan ka daawo hablaha soomaaliyeed oo halkeedii ka sii waday banaanbaxa ka dib markii ay xornimadooda dib u heleen, Maansha Allaah, Ilaahey ha idiin xafido dhamaan hooyooyinka soomaaliyeed, XAQ baad ku taagan tihiin ee yaanan marnaba leydiin caga jugleyn, leydiina cabsin gelin inaad ka hadashaan xaq darada, iskana diidaan duleysiga lagu hayo shacabkiina. GUUL IYO GOBANIIMO

Halkan ka daawo Hablaha iyo hoooyooyinka Soomaaliyeed oo ku banaanbaxaya dulmiga iyo duleysiga lagu hayo dadkooda ku dhaqan Gobolka Jubada Hoose,

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dumarkii soomaaliyeed ee si nabad ugu banaabaxay degaanka Kismaayo oo xornimadooda dib u helay"

Leave a comment

Your email address will not be published.