Saacada 09:00: Shirweynaha Beelaha Direed oo maanta ka bilaabmay Adis iyo wafuuda shirka …

Shirweynaha Taariiqiga ahaa ayaa maanta ka bilaabmay caasimada dalka Itoobiya ee Adis Ababe.

 

 

Shirkan oo hadda loo bedelay howl ka weyn, kana facilitate badan hoolkii hore, ka dib markii haldoorka shirka ka soo qeyb galaya ay noqdeen dad aad u tiro badan oo isaga yimid dhamaan dalalka geeska Afrika ee shanta soomaaliyeed, iyo weliba dalka dibadiisa.

 

Shirkan oo si heer sare loo soo abaabulay, si aad ahna loo sugaya nabadgelyada hoolka iyo haldoorka shirka ayaa maanta si heer caalami ah ugu furmay magaalada Adis, kuna socda si habsami iyo nidaam heer sareeya.

 

Haldoorka shirkan ka qeyb geli oo soo buux dhaafiyey hoteelada iyo xarumaha senterka magaalada Adis Ababe, ayaa dadka ku dhaqan caasimada dhamaantood waxay hadal hayaan Shirweynaha Direed, oo ayna la dhacsan yihiin hab maamulka iyo dareenka shacbiyad Direed oo mid ah ey halkaa ka muujiyeen.

 

Shirkan oo ay beelaha Direed uga tashan aayahooda iyo mustaqbalka shacabkooda, isla mar ahaantaana ay uga diyaar garoobi ka qeyb qaadashada nidaamka Dimuqraadiga iyo cadaalada ku dhisan ee ka bilowday dalka Itoobiya, Nidaamkan oo uu hogaanka u hayo Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.

 

Halkan ayaan idiinku soo gudbin hadba warbixinada aanu ka helno Shirweynaha Taariiqiga ah ee Beelweynta Direed.

 

Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo, Guul iyo Gobanimo Dir meel walba aad ka joogtaan dunida dacaladeeda.

 

cowslafil.com

Be the first to comment on "Saacada 09:00: Shirweynaha Beelaha Direed oo maanta ka bilaabmay Adis iyo wafuuda shirka …"

Leave a comment

Your email address will not be published.