Saacada 13:30: Shirweynaha Beelaha Direed qeybtiisa hore oo maanta ka furmay Adis iyo warbixinadii ugu danbeeyey …

Waxaa maanta oo khamiis ah, 28.febraayo.2019, saacadu markay aheyd 09:00 aroornimo, ka furmay shirweynaha beelaha Direed oo si heersare loo soo agaasimay caasimada dalka Itoobiya ee Adis Ababe.

Shirkan oo haldoorkii ka soo qeyb galay ay ahaayeen dad afaf iyo lahjado kala duwan ku hadla, kana kala yimid dhamaan geeska Afrika iyo dalka dibadiisa ayaa shirka qeybtiisa hore wuxuu ahaa soo dhaweyn iyo is barasho haldoorkii beelaha Direed oo shirkaa ka soo qeyb galay.

Shirka oo ku bilowday ayaadaha Quraanka Kariimka, hadalo dhiiro gelin iyo muhiimada ay leedahay midnimada dad wadaaga magac, dhalasho, degaan, iyo dal intaba.

Shirkan oo ahaa shirkii ugu horeeyey oo ay ka soo qeyb galaan beelaha ku abtirsada Dirka, oo yeeshay kulan taariiqi ah, ka dib mudo fog (in ka badan 300 oo sanno) oo ay shacbiyada iyo dadkan walaalaha ah fursad tan la mid ah oo ay ku kulmaan aysan helin mudada intaa la eg, shirka maanta oo ahaa mid lagu mideyn shacbiyad balaaran oo ku hadla afaf iyo lahjado kala duwan, isla mar ahaantaana lagu mideyn dadkan walaalaha ah ee ku dhaqan degaan iyo dhul balaaran oo ku teedsan dhamaan geeska Afrika.

Waxaan weli sugeynaa warbixino la xiriira gabagabadii iyo gunaanidkii shirka maanta, iyo inagoo sugi shirka xiga ee dhici doona beri (29.febraayo.2019) Insha Allaah.

Waxaan halkan soo dhigi doonaa sawiro, maqal iyo muuqaal intaba markii ay ina soo gaaraan hadii alle idmo.

Markale waxaan hambalyo hawada u soo marin dhamaan shacbiyada Beelweynta Direed ee ku kala nool Duniada dacaladeeda, oo maanta ay midnimadii ay doon doonayeen in ka badan 300 oo sanno ay ka curatay shirka maanta. Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo, Guul iyo Gobanimo ayaa u soo hoyatay Qowmiyada Direed.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Saacada 13:30: Shirweynaha Beelaha Direed qeybtiisa hore oo maanta ka furmay Adis iyo warbixinadii ugu danbeeyey …"

Leave a comment

Your email address will not be published.