Dagaal saaka 9’kii aroornimo dib uga bilowday agagaarka Cadhaytu

Dagaal saaka 9’kii aroornimo dib uga bilowday agagaarka Cadhaytu

Waxaa in soo gaaraya in ciidanka Liyuu’ga iyo maleeshiyada Canfartu ay markale dagaal ku soo qaadeen degaanada soomaalida oo uu maalmihii ugu danbeeyey ay dirirtu ka dhacday.

Xaaladihii ugu danbeeyey oo degaanadaas ayaa ahaa in lagu heshiiyey in ciidanka Liyuuga Canfarta halkaa laga qaado, lana keeno Police federaal ah oo suga nabadgelyada shacabka ku dhaqan degaanada.

Waxaad moodaa in heshiiska aysan ku qanacsaneyn Canfarta, ka dib markii ay maanta oo axad ah, 20.janaayo.2019, saacada sagaalkii aroornimo ay dagaal soo qaadeen Ciidanka iyo maleeshiyada Canfarta.

Ciidanka Soomaalida oo difaac adag uga jira halka uu dagaalka ka bilowday ayaa iska caabin iyo difaac ku jira, iyo weliba in gurmad iyo abaabul dulmiga leysaga qabana uu ka socda degaanadaa.

Dagaalka oo hadda joogsaday ka dib markii ciidanka federaalka ay soo kala dhex galeen, balse weli lama ogo xaalka halka uu ku danbeyn.

Dagaalka maanta ayaa la sheegayaa inuu jira dhaawac shacabka difaaca ku jira, iyo dhimasho ciidanka iyo maleeshiyada duulaanka ah.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaal saaka 9’kii aroornimo dib uga bilowday agagaarka Cadhaytu"

Leave a comment

Your email address will not be published.